Baabuur Cad iyo Baabuur Madow kee qaadan lahayd?
Su'aasha waa su'aal inta badan dhalisa dood ku saabkan kan baabuurta labada kalar ee Cadaanka iyo Madowga fiican iyadoo dad badan oo gaari leh iyo kuwa sideydoo kale shiid ahi ku hamiyaan baabuurkooda riyada iney soo iibsadaan.
Si fudud hadaan u kala dhigo;
Baabuurka Cad waa baabuur ay fududahay in la helo, qiimihiisu ka jabanyahay kan kalarka madow, wasaqda iyo gabowga qarsa kara islamarkaana ay fududahay in wadayaasha gawaarida kale ay si sahlan ku arkaan xiliyada habeenka oo shilalkiisu waa ka yaryihiin kan kale.
Baabuurkaan waxaa qaata dhamaan dabaqyada kala duwan ee bulshada waana midka ugu badan ee dadku isticmaalaan dhamaan dalalka caalamka.
Baabuurka Madow waa mid ay qaataan dadka madaxda ah iyo dadka jecel iney muujiyaan xarago, awood iyo mansab sare. Baabuurkan ma qarsan karo wasaqda iyo dhaawacyada yaryar, waxa uu u baahnayahay waqti badan oo lagu nuuriyo in la galiyo mana lagu wadan karo goobaha buska badan ama dhaami kara midabkiisa madow.
Baabuurtka kalarka madow waxaa qaata madaxda dalalka, diblomaasiyiinta, hey'adaha amniga iyo ganacsatada waaweyn.
Dadku marka ay baabuur soo iibsanayaan waxa ay ku doortaan sida ay u ekaanayaan, qiimihiisa iyo nadaafadiisaba waana kuwa kala saara dadka midabyadan kala wata.
Hadaad howl yar rabto gaari cad iibso, hadaad xarago iyo is atooreys rabtana mid madow.