Dunidan waxyaabaha ugu horeeya ee binu aadamka saameyntooda ama hal'abuurkooda lagu astaameeyo waxaa ka mid ah dhisida daaro kala duwan xaga jooga, dhismaha iyo quruxda.
Waxaan halkan ku soo qaadaneynaa 5 ta dabaq ama dhismo ee dunida ugu dhaadheer:
5. Dabaqa ama dhismaha 5 aad ee dunida ugu dheer waa
Lotte World Tower
Dalka: Seoul, South Korea
Dhirirka (meter): 555 m
Biyaanooyinka: 123 biyaano
Lacagta ku baxday: $3.4 Bilyan
Taariikhda la dhameystiray: 2017
4. Dabaqa ama dhismaha 4 aad ee dunida ugu dheer waa
Ping'an International Financial Center
Dalka: Shenzhen, China
Dhirirka (meter): 599 m
Biyaanooyinka: 115 biyaano
Lacagta ku baxday: $1.5 Bilyan
Taariikhda la dhameystiray: 2017
3. Dabaqa ama dhismaha 3 aad ee dunida ugu dheer waa
Abraj Al-Bait Clock Tower
Dalka: Mecca, Saudi Arabia
Dhirirka (meter): 601 m
Biyaanooyinka: 120 biyaano
Lacagta ku baxday: $15 Bilyan
Taariikhda la dhameystiray: 2012
Dhismahan waa hoteelo iyo meelo ay dowlada dalka Sucuudigu ugu talagashay xujeyda iyo Muslimiinta u soo cibaada taga magaalada Makka
2. Dabaqa ama dhismaha 2 aad ee dunida ugu dheer waa
Shanghai Tower
Dalka: Shanghai, China
Dhirirka (meter): 632 m
Biyaanooyinka: 128 biyaano
Lacagta ku baxday: $2.4 Bilyan
Taariikhda la dhameystiray: 2015
Shanghai Tower waa dhismaha ugu dheer dalka shiinaha waxa uuna ka koobanyahay guryo, hoteelo, goobo ganacsi iyo madadaalo loogu talagalay
1. Dabaqa ama dhismaha 1 aad ee dunida ugu dheer waa
Burj Khalifa
Dalka: Dubai, United Arab Emirates
Dhirirka (meter): 828 meter
Biyaanooyinka: 163 biyaano
Lacagta ku baxday: $1.5 Bilyan
Taariikhda la dhameystiray: 2010
Burj Khalifa waa dhismaha dunida ugu dheer waana midka ugu caansan dhamaan dhismayaashaan waana goob loo dalxiistago marka Dubai la joogo
Ogow: Dhismooyinkan 5-ta ah waxaa ugu qaalisan Abraj Albait oo ay ku baxday $15 bilyan Maka, Saudi Arabia, waxaana ugu dheer uguna biyaanooyin badan Burj Khalifa oo 163 biyaano ah waxa uuna ku Yaalaa Dubai, UAE
Weydiin: Waa kuma dhismaha ugu dheer magaalada aad joogto?