Waa maxay Xiriir Furan (Open Relationship)

Image: www.arre.co.in

Xiriiro badan ayaa jira caalamka balse Soomaalideena inta badan aqoon uma lihin ama hada ayaan baraneynaa sababahana aan u baran weynayna waxaa ka mid ah in Diinteena Islaamku aysan ogoleyn xiriiro ka baxsan guurka. 


Xiriir Furan 
Nuuc ka mid ah xiriiradaas waa 'Xiriir Furan' ama 'Open Relationship. Xiriir furan si fudud hadaan u dhigno waa Xiriir ka dhexeeyaa laba qofood balse labadaas qofood iyaga kaliya iskuma koobna ee waxa ay u tagi karaan dad kale kumana xirna guur. Waa nuuc ka duwan midka aan naqaan ee nin iyo naag ka dhexeeyaa. 
Tusaale; xiriirkan waa in Faarax iyo Farxiyo ay xiriir leeyihiin; hadana Faarax waxa uu xiriir la yeelan karaan naago kale sidoo kale Farxiyana waxa ay xiriir la yeelan kartaa niman kale. 


Dhibaatooyinka Xiriirka Furan 
Dhibaatooyinkiisa ama caqabadaha dadka qabsada waxa ka mid ah in ugu horeyn uu diin ahaan banaaneyn in kastoo Soomaali badan ay xiriirkooda ku soo koobaan sheeko iyo madadaalo ee aan gogol la isku arag. Caqabada ugu weyn waa in dadku iska maseeraan oo labada qof mid ka mid ah loo maseero halkaas ay cuqdad iyo caro ka dhalato. Waxaa kaloo jiri kara in cuduro, kalsooni daro iyo qalqal burburka xiriirkooda ah in ay la kulmaan dadkaan. 

Wiilal iyo gabdho badan oo Soomaaliyeed ayaa waxaad arkeysaa iyaga oo facebook-ga ku qoranaya 'Status: In an Open Relationship'. Hadii aadan xiriir furan ku jirin waxaa haboon inaad iska badasho maadaama nuucyo badan ay jiraan oo aad dooran karto. 



Admin

Previous Post Next Post