Tuugadu sidey wax u xadaan? Maxaan loo fahmi karin?

 


Rumeyso ama ha rumeysan, tuugnimadu waxa ay u baahantahay barasho oo qof kastaahi wax ma xadi karo. Tuugnimadu waxa ay u baahantahay farsamo iyo fahamka qofka wax laga xadayo iyo meesha laga xadayo. 

Ugu horeyn aan kala faham waxa ay ku kala duwanyihiin Tuug iyo Burcad.

Tuug waxaa la yiraah qofka wax uusan lahayn ama loo ogoleyn xadaya si qarsoodi ah. Burcad waxaa la yiraah qogka wax uusan lahayn ama loo ogoleyn xoogaya oo awood isticmaalaya.

Tuugado waxa ay adeegsadaan farsamooyin badan balse waxaan soo qaadaneynaa ilaa 3 farsamo oo u sahasha in ay wax xadaan iyadoo lagu baraarugsaneyn. 


1. Qiimeyn iyo Saadaal 

Ugu horeyn Tuuga ama tuugadu ma iska soo aadayaan meel ama qof ee waxa ay bilaabayaan qiimeyn in meesha ama qofka la xadi karo. Waxa ay qiimeynayaan qofka meesha jooga qaabka uu u shaqeeyo, inuu yahay qof la socda waxa hareerihiisa ka dhacaya, inuu yahay qof fudud ama qof culus, inuu heysto yad ama hub uu isku ilaaliyo iyo wixii la mid ah. 

Dhinaca kale waxa ay qiimeynayaa meesha iyo waxa ay xadi rabaan. Meesha yaa jooga, yaa ka agdhaw oo halis idiku ah, qof kale maa tukaanka ku jira oo ku arki kara, kaamiro maa ku xiran oo hadhow malagu soo qaban doonaa, waxa aad rabto meel fudud oo aan gaarto ma yaalaan iyo waxyaabo kale. Waa waxyaabaha ay tuugau qiimeeyan wax ka mid ah. 


2. Boojeyn iyo Madadaalo 

Marka tuugu dhameysto qiimeynta oo laga yaabo in ay maalin ama maalmo qaadatay, waxa uu soo galayaa tukaanka ama carwada uu wax ka xadi lahaa si uu u qaato waxa uu rabo. Sida aad qiyaasi karto tuug inta tukaankaaga yimaado isku kaa sheegimaa balse waxa uu isaga kaa soo dhigaa qof caadi ah oo aan dhibaato wadin miskiina ah. Ragga tuugada ah qaarkood waxa ay adeegsadaan labis qurxoon iyo hadal waaweyn oo qofku masuul ayuu iska dhigaa halka haweenku ay iska dhigaan qof uur leh ama qof xanuunsan si aan loo fahmin u jeedkooda. 

Waxaa inta badan lagu baraarugin ayaa ah in hal qof uusan wax xadin ee inta badan tuugadu waa labo ama seddex. Qof ama laba qof ayaa madadalineysa qofka tukaanka jooga oo mar wax loo diro iyo mar sheeko loo qabta ala isugu daraa si qofka soo haray uu wax u xadi karo. 


3. Daf iyo qarsoodi 

Hadii tuugada aad moodo in ay wax kasta xadaan, wax kasta ma xadaan ee ogow. Tuugadu waxa ay xadaan mar walba marxalada ay ku jiraan wax ku haboon. hadii tukaan la joogo dhar lagu gado, in daaqad baati ah la xado ma sahlana balse garbasaar ama taleefan waa u sahlantahay. 

Tuugadu mar walba waxa ay qaataan wixii gacantooda ama boorsadooda ay ku ridan karaan halka qaarna ay dharka hoos gashtaan . 


Hadii aad tahay tukaanle, carwoole ama ganacsi kuu furanyahay; isku day inaad noqoto qof wax qiimeyn kara oo sifiican ula soco dadka tukaanka soo galaya. Qofna haku qiimeyn muuqaalkiisa kore ee qiimee qaabka uu u hadlayo, meesha uu fiirinayo iyo dhaqdhaqaaqiisa jir ahaaneed. 

Qofku marka uu wax xadi rabo, waxa uu isku dayaa inaan la fahmin taas ayaana keenta inaad qofka wajigii cabsi iyo qalqal ka dareento ama dhaqdhaqaasi saa'ido. 

Hadii meesha aas joogoto ay tahay meel weyn oo supermarket oo kale ah, isku day inaad qof u shaqaaleysiido waardiye ahaan, meeshana kaamiro ku xirato si aad ula socoto dadka nusqaanta ku wada ganacsiga sidaasna kacag ka badan inta aad waardiyaha siido ay kuugu badbaado.

____________________


Daawo Muuqaalkan Tuugada wax ka xadeysa Carwo


Admin

Previous Post Next Post