Maxbuus isqoraxeynaya xabsiga Bastøy. Sawirka: Marco Di Lauro
1. Xabsiga Bastøy, Norway
Xabsigan waxa uu ku yaal jasiirada Bastøy, dalka Norway. Xabsigu waxay u shaqeysaa sidii tuulo yar oo iskeed isu ilaalisa. Maxaabiistu waxay ku nool yihiin guryo raaxo leh, waxay ka shaqeeyaan beeraha iyagoo xitaa hela mushaarka shaqada ay hayaan. Xabsigu waxa uu maxaabiista u ogolaadaa in ay ku raaxaystaan kalluumeysiga iyo fardo fuulka.
Ma jiraan ilaalo hubaysan, maxaabiistuna waxay haystaan xorriyad weyn, taasoo ka caawisa inay bulshada ku soo laabtaan iyagoo aan wax cuqdad ama caro ah u qabin.
2. Xabsiga Otago, New Zealand
Xabsigan heer nololeedkiisu waa uu sarreeyaa, Otago waxay diiradda saartaa dhisidda xirfadda. Maxaabiistu waxay bartaan xirfadaha tubiistaha, dhaqida doorada, injineeriyada iyo cunto karinta. Sidoo kale waxaa la siiyaa siminaaro loogu talagalay in lagu caawiyo si ay shaqo u helaan marka la sii daayo.
3. Xabsiga HMP Addiewell, Scotland
Xabsigan waxa uu xooga saaraa waxbarashada iyo dib-u-habaynta maxaabiista, Xabsigaan waxa uu waajib ka dhigay in maxbuus walbaa ka qaybqaato ugu yaraan 40 saacadood oo waxbarasho ama tababar xirfadeed toddobaadkii.
Hadafka xabsigu waa in lagu caawiyo maxaabiista inay noqdaan xubno wax ku biiriya bulshada, iyagoo ka taageera helitaanka shaqooyin ka dib sii deyntooda.
4. Xabsiga Aranjuez, Spain
Xabsigan qoyska ku haboon ayaa u ogolaanaya caruurta yaryar in ay la joogaan waalidiintooda xiran, si waalidka iyo caruurtuba u kala habsaamin. Xabsigu wuxuu leeyahay garoomo lagu ciyaaroiyo meelo lagu xanaaneeyo caruurta yaryar, taasoo ka dhigaysa meel gaar ah oo diirada la saarayo ilaalinta qoysaska.
5. Xabsiga San Pedro, Bolivia
San Pedro waa xabsi maxaabiistu ismaamulaan oo doorasho qabsadaan. Maxaabiista ayaa iibsada ama kiraysta qolalkooda, waxay meesha ku heystaan ganacsiyo sida tukaamo iyo maqaayado, xitaa waxay leeyihiin qoysas la nool. Xabsigu wuxuu u shaqeeyaa sidii magaalo oo kale.