Tani waa maqaayada dhimasahada
Maqaayadan waa mid ka duwan maqaayadaha aan naqaano. Waa meel xiiso badan hadana halis ah oo waxaa cunto ku siinaya Milkiilaha maqaayada oo ku labisan dharka dhaqtarka yo kabalyeeriyaal gabdho ah oo ku labisan dharka kalkaaliyayaasha halka adna laguugu labisayo dharka bukaanka waxaana laga cunaa kaliya cuntooyinka lagu ceylo.
Waxaa meeshan ka cunteeya dad ay ugu badanyihiin dadka aadka u cayilan ee raba in ay ceylkooda ku sii daraan ama macmacaankaas u yimaada maadaama aysan ku qanceyn maqaayadaha kale oo heerkaan halista ah aan gaarsiisneyn.
Magaca maqaayada waa la yiraah Heart Attack Grill oo micnaheedu yahay Maqaayada Wadna xanuunka oo waxaa jira dad halkaan ka cunteynayay in ay u dhinteen cuntada maqaayadan oo ah mid jirka binu aadamka halis ku ah iyadoo dadka ku dhintay cuntadan waxaa ka mid ahaa mid xayeysiin jiray maqaayada oo waxaa gabi ahaanba istaagay wadnihiisa ka dib markii uu miisaankiisu gaaray 258 KG.
Maqaayadani waxa ay leedahay laba sharci; ugu horeyn waa inaad lacagta si cash ah u bixiso maadaama laga yaabo hadaad kaar ku bixiso inaad dhimato markaad cuntada dhameyso oo wadnuhuba ku istaago. Mida kalana waa in haduu qofku miisaan ahaan ka weynyahay 158 KG uu si free ah maqaayada ugu cunteyn karo iyadoo aan lacag la weydiineyn oo meesha waxaaba yaala miisaan lagugu cabirayo.
Mar telefishinka ABC ee laga leeyahay Mareykanka ay weydiisay milkiilaha maqaayadan sababta uu dadka u siinayo cuntadan naftooda halista ku ah waxa uu ku jawaabay in inuu ogyahay halista ay cuntadani leedahay balse uu rabo in qof walba uu maqaayada Burger ka gato.
Dalka Mareykanka waxaa lagu sheega ain ku dhawaad 60% dadkiisa ay yihiin kuwa cayilan oo waxaa aad ugu bulaala maqaayadaha iibiya cuntooyinka fudfudud ee Fast Food-ka loo yaqaano iyadoo maqaayado badan sida McDonals, KFC iyo kuwa kale ay ka furanyihiin xaafad xaafad hadana midan ayaaba ka sii dartay oo qofkii waxaaba lagu dhiirigelinayaa inuu naftiisa halis geliyo.
Dadka halkan wax ka cuna waxa ay aaminsanyihiin in cayilku uusan ahayn ceeb oo ay ogyihiin in cuntadan ay ku dhiman karaan balse saas oo ay tahay waa ay sii cunayaan oo naftooda uma naxayaan waana dhaqan inta badan binu aadamku leeyahay gaar ahaan cunida cuntooyinka Fast Food-ka loo yaqaan iyo sokorta oo ah labada shey ee sababa in qofku lumiyo muuqaalkiisa qurxoon iyo caafimaadkiisa.
Halkan ka daawo Muuqaalk isagoo ah