Waxaan inta badan maqalnaa kufsi lagula kacay gabar, qof xaq daro loo dilay ama dhaca hanti qof kale leeyahay.
Hadaa nahay Soomaali waxaan marqaati ka nahay nolosha xaqdarada ka jirta iyo sida dalkeena ay cadaalad darada uga buuxdo meel walba oo aad fiirido.
Waxaa jira dad la dilay iyagoo masjidka ku jira, iyagoo caruurtooda la jooga, gabdho la kufsaday iyagoo uur leh ama suuqa maraya, waxaa jira dad laga dhacay hantidoodii, guryahoodii iyo dhaxalkoodii, caruur yaryar oo agoomo laga dhigay iyo dad lagu xad gudbay xuquuqdoodii aadanaha la faquuqay la bahdilay oo nolosha xitaa lagu gubay.
Cid isweydiisay ma jirin dhacdooyinkaas iyo kuwa ka xun ayaa ka dhaca dhamaan magaalooyinka iyo baadiyaha dalka.
Su'aasha isweydiinta mudan waa maxay waxani u dhacayaan maxaan dadkeena u dulmineynaa oo u ciqaabeynaa, maxaan u diidanahay inaan isku cadaalad falno?
Dalkeena weli ma helin nidaam cadaalad oo xoogan islamarkaana ka maran xigsiga iyo musuqa, inta badana ma jirto qaab qofka shacabka ee aan heysan qof u dooda ama lacag uu cadaalad ku helo, sabatuna waxa ay tahay nidaamka cadaaladu malaha awood uu qofka qaladka leh ku ciqaabo, halka dad badan oo awood dhaqaale ama siyaasadeed ku leh dalkana ay awoodaan in ay qofkey rabaan ka dhigaan ceeb ka saliin ama adoo nadiif ah ayay dambi kuu yeeli karaan iyagoo kuu soo maraya nidaam dowli ah.
Qalad ha ii fahmin waxaa jira dad wanaagsan oo leh awood dowladeed ama nidaamka cadaalada ku jira balse inta ku takri fasha awoodooda ayaa ka badan kuwa wanaagsan waana mida aan uga bixi kari la'nahay qaxarka iyo dhibaatada.
Sababata ay danbiyadaan dilka iyo kufsigu u soo laalaabtaan intooda badanna oo aan wax looga qaban waa in marka horaba aan la soo qaban karin qofka dambiilaha ah ama awood yari ha ahaato ama qaab loo raadiyo ayaan jirin waana mida dad badani iska caadeysteen oo hadii la maqlo qof ayaa halkaas lagu dhibaateeyay dhibkaasu waxa uu u soo haraa kaliya guriga uu qofkaasu ka tirsanaa cid xaq u raadisa iyo cid isku mashquulisaana ma jiraan.
Dalkeenu waxa uu u baahanyahay nidaam cadaaladeed oo qof walba oo Soomaali ahi ku dareemi karo amni iyo cadaalad uu dalka ugu noolaado kuna maalgashto. Hadii aad aragto wadan loo qaxayo ama loo guurayo ogow waxaa jira nidaam cadaalad oo dadkaas ay ku kalsoonaan karaan inaan lagu xadgudbeyn xuquuqdooda aadanaha oo xitaa hadii dhib loo geysto waxa ay helayaan cadaalad oo qofkii qaladka u geystay ayaa loo ciqaabaa.