Saxaafada mala Aamini karaa waxa ay soo gudbiso?



Warbaahinta waa mid ka mid ah tiirarka uu ku taaganyahay dal walba oo waxa kala gudbisaa xogaha dhan walba xaga nolosha, ganacsiga, dhaqaalaha iyo siyaasadaba. Waxaa jira dalal badan oo aan heysan warbaahin xor ah oo oo soo saara warar iyo warbixino dabada looga dhaganyahay oo loo soo meeriyay. Inta badan waxa ay ka dhacdaa dalalka ay ka jiraan nidaamyada kaligii taliska ah. 

Waxaa jira dhinaca kale in dhaman warbaahintu aysan ka marneyn xaglinta iyo in shaqsi lagu jiifto ama mid loo fuutiyo. Waxaan inta badan aragnaa marka la joogo xiliyada doorashada in warbaahin heblaayo kale ay mid ka mid ah musharixiinta xilka madaxweyne taageerto weli si ka badbadis iyo indho la'aan ah halka isla warbaahintaas ay qof kale oo isna mushar ah ku jiifato oo mar walba ceebihiisa iyo xumaantiisa ay ka sheekeyneyso. 

Maxa ku dhacday arintaas? Jawaata fududi waa in warbaahinta tahay nuuc ka mid ganacsiga. Warbaahinta waxa ay gadataa warka ay kuu soo gudbineyso si milkiilayaasha ay uga faa'idaan, shaqaalaha iyo wariyayaashuna mushaar uga helaan. 

Tusaale ahaan; siyaasi hebel ayaa u yeeranaya warbaahin heblaayo, waxa uu la gaayaa heshiis $50K ah (Konton Kunoo Doolarka Mareykanka ah) oo warbaahintaas waxaa laga rabaa in ay siyaasigaas buunbuuniso, dadka isaga la tartamayana ay ceeb iyo magac xun dulsaarto inta doorashada ka dhamaaneyso. 

Doorashada marka ay dhamaato heshiiskii wuu dhamaaday. Warbaahintii shalay siyaasigi mucaaradka ahaa foolxumeyneysay ayaa markaan isaga la heshiineysa oo amaan ku bilaabeysa halka kii ay hore u taageeri jireen ee laga guuleystay ay markiisa xumaan iyo caay ku bilaabayaan. 

Waxaa la mid ah wararka qaar e la xiriira ganacsiga, dhulalka, horumarada dowlada, iyo wax alaala wixii ay iyaga lacag ka soo galeyso kama marna in gadaal looga dhaganyahay oo waxa ay warbaahintu u furantahay marka ugu horeysa waa faa'ido (Profit) ka dib ayay dadka u adeegeysaa. 

Aqrisow ogow, waxaa jira xirfadlayaal iyo wariyayaal si daacad ah uga shaqeeya warbaahinta oo aan wax laaluush ah ama lacag mushaarkooda ka baxsan aan ku helin dadkana u soo gudbiya warar hufan oo eexdu ka marantahay.  


Admin

Previous Post Next Post