Gabdhahaan xoog ayaa lagu guursanayaa! Waryaa ka celiya

 

Dalka Kyrgyzstan waxaa ka jirta caado dhaqameed gabdhaha lagu afduubanayo oo qasab lagu guursanayo. Kyrgyzstan waa dal yar oo dadkiisu Muslimiin yihiin kuna dhagan dalka Shiinaha. Waxaa dalkaan ka jira caada dhaqameed qaab daran; guurku waa qasab iyo afduub meelaha qaar oo ninkii raba inuu gabar guursado waa uu soo afduubanayaa miduu doono xitaa hadii aysan isaga rabin ama aqoonba u lahayn. 


Bal qiyaas gabarey adoo suuqa iska maraya nimaadan aqoon haduu ku afduubto oo gurigiisa ku geysto waalidkaa iyo dadka oo dhana ay raali ku yihiin. 


Dhaqanka oo dalkaan ka soo jiray boqolaal sano waxaa 1991-kii mamnuucay dowlada dalkaas balse meelaha qaar ee baadiyaha ah ayuu weli ku dambeeyaa. Gabadha lama weydiinayo waxa ay rabto, jaceyl iyo xiriirna iskaba daa oo ninkii wadada ku arkaa afduuban kara isaga oo soo kaxeysanaya dhowr saaxiibadiis ah ka dibna geysanaya guriga waalidkiis.


Marka gabadha uu guriga waalidkiis xoog ku geeyo ayaa waalidkii iyo dadkii xaafadu bilaabayaan iney gabadha ku qanciyaan iney ninkaan soo afduubtay yahay ninkeeda oo aysan meelkale u furneyn xitaa hadii aysan aqoon wiilkooda ama mid kale balan guur la lahayd.


Gabdho badan ayaa isdilay ka dib guurkan qasabka ah halka qaar kalana ay reerkii lagu qasbay iska fureen. Waxaa xusid mudan in kala bar meelaha baadiyaha xaasasku yihiin gabdho la soo qafaashay oo xoog lagu guursaday. 


Waxaa xusid mudan, gabadhu hadii ay ninka qasbay iska furto in waalidkeed uusan dib u qaadaneyn oo ay iska eryayaan halkaasna gabdhu duur joog iyo socoto ku noqoneyso si ay nafteeda ku maareyso. 


Booliska ka shaqeeya deegaanada uu dhaqan kani ku dambeeyo ayaa la sheegaa in aysan kala jecleyn falalkan haweenka deeganka lagula kacayo ee ayba u arkaan dhaqan waliba iyadoo ay dambi tahay lana ogoleyn in gabar la afduubto.


Daawadow sidee u aragtaa dhaqanka nuucan ah? Ma jeclaan lahayd in adiga ama walaashaa nin iska afduubto oo isku guursado? 


________________

DAAWO MUUQAALKA



____________________________
Cover Image: farewellalarms.com
Admin

Previous Post Next Post