Dalka Hindiya oo ah meel lagu tilmaamo inuu yahay dal ay ku noolyihiin in ka badan 1 Bilyan oo qofood oo ku kala duwan dhaqanka, diimaha, luqadaha iyo muuqaalka ayaa waxaa mar walba ka soo baxa waxyaabo mucjiso ah oo dunida kale ay la fajacaan.
Sida aad la socotaba dadka dalkaan ku nool 80% waa Hinduu oo diinta Hinduuga ayay aaminsanyihiin, 14% ay yihiin Muslimiin iyo 6% ay yihiin diimaha kale marka la isku daro.
Waxaa 1970 kii shaqadiisii kaashiyeerka ka tagay nin lagu magacaabo Amar Baharati oo inta ka dhex baxay saaxiibadiis iyo qoyskiisa sheegay inuu dunida iska soo nacay oo uu u go'ay diintiisa Hinduuga.
Ninkani intaas kuma ekaane waxa uu gacantiisa midig kor sidaa ku dhawaad 48 sanadood isagoo sheegaya in uu ku muujinayo sida uu uga soo horjeedo dagaalada iyo dhibaatada caalamka ka socota.
Mudo labo sano ah markuu kor u hayay gacantiisa oo uu xanuun joogto ah ku joray ayay gacantii murqihii iyo lafihiiba shaqadoodii gabeen.
Hada gacantiisu malaha wax dareen ah mana soo laabi karo oo sidaas ayay ku dhagtay ka dib 48 sano oo uu kor u siday. Sida aad muuqaalka uga jeedo waa gacan ay diif badani ka muuqato oo xoyaa cidiyuhu ku baxeen.
Waa arin la yaab leh oo dadka binu aadamku ceebaha ay leeyihiin waxaa ka mid ah in qofku wax iska aamino oo noloshiisa oo dhan ku lumiyo halka uu noqon lahaa qof xor ah oo cilmi iyo horumar raadsada.
_____________________
DAAWO MUUQAALKA