Yurub vs Afrika: Qaarada iftiinka iyo Qaarada Mugdiga

 

Xalay waxaa yar saaxiibkey ah i weydiiyay; Maxaa dadka Afrikaanka ah u caqli yaryihiin oo uga hooseeyaan reer Yurub dhanka ilbaxnimada iyo horumarka? 


Su'aashaas waxa ay igu noqotay nabar la igu dhuftay oo kale, waxaan isku dayay inaan u sharaxo oo aan u fahamsiiyo qaabka ugu sahlan balse waa ay adagtahay. 


Dunidan waxaa ku nool in ka badan 7 Bilyan oo dad ah oo ka soo kala jeeda caalamka oo dhan. Dadkaas waxa ay ku noolyihiin deegaano iyo dhulal kala duwan, cimilooyin kala duwan, dhaqama kala duwan, fikiro kala duwan hadana saas oo ay tahayna waa laga simanyahay binu aadamnimada ama dadnimada. 


Farqiga u dhexeeya Afrika vs Yurub? 

Yurub iyo Afrika, farqiyada u dhexeeya waxaa ka mid ah; aqoonta, dhaqaalaha, horumarka bulshada, iqtiraacida ama soo saarida waxyaabo cusub, difaacashada dhulalkooda iyo la macaamilka dunida kale. 


Qaarada Afrika waxa ay qarnigan 21aad ku jirtaa meel aan wanaagsaneyn oo waxaa la dhihi karaa waxa ay soo mareysaa ugu yaraan 200 sano ka hor (1823-kii) hadeysanba ka hooseyn. 


Marka aan leeyahay Afrika 200 sano ayay Yurub ka dambeysaa waxan ula jeeda dhanka iqtiraaca, horumarka bulshada, aqoonta, culuumta seyniska, awoodaha Military iyo heerka nolosha oo dhamaantoodba ay ka hooseyso heerkii qaarada Yurub ay taagneyn 200 sano ka hor. 


Waxaa laga yaabaa in aad isleedahay Yurub 200 sano baabuur ma isticmaali jirin, taleefano ma heysan, diyaarado ma raaci jirin, iwm. Waa runtaa balse ogow inta shey ee aad ku faaneyso adiga maadan sameysan ama maadan iqtiraacan ee iyaga ayaa kuu sameeyay kaliya waad soo iibsatay sidaas ayaadan u xisaabsan karin. 


Hadaba, sidee Afrika ula tartami kartaa Yurub? 

Si aan ula tartano Yurub waa inaan marka hore fahamno waxyaabaha u sahlay Yurub in ay guuleysato, hogaamisana dunida kale. 


Qaarada Yurub ma ahaan jirin tan dunida ugu faca weyn taariikh ahaan, maahayn kuwa ugu dhaqaalaha iyo horumarka badan. Waxaa dunida soo maray dowlado iyo boqortooyooyin xoog, dhaqaale iyo horumarba lahaa oo lahaa wax soo saar, military iyo ilbaxnimada ay reer Yurub ku faanaan hada. 


Waxaa jira 4 waxyaabood oo Yurub u sahlay iney dunida hogaanka u qabtaan


  • Iqritaaca iyo warshadaha (Industrialization)

Reer Yurub kama duwaneyn dunida kale 300 oo sano ka hor. Waxa ay la sinaayeen dunidii kale sida dowladihii ka jiray, dalalka carabta, shiinaha, Laatin America iyo Afrika. 


Dunida markii hore waxaa la isku hogaamin jirin ganacsi iyo dagaal oo dowladu si ay u hesho dhaqaale, ciidan iyo dhul cusub  waxa ay ahayd in ay dagaal ku qaadaan dowlad kale waana mida Tataarkii, Roomaanka iyo dowladihii islaamiguba sameyn jireen oo ma jirin qaab kale oo dunida lagu hogaaminayay. 


Yurub waxa ay la yimaadeen nidaam warshado oo waxa ay soo saareen hub, gaadiid, taleefanka lagu wada xiriiro, iyo waxyaabo badan oo bilow u ahaa horumarka ganacsigooda iyo guulaha ay ka gaareen dagaaladii u dambeeyay ee ay ku qabsadeen dalal badan oo caalamka iyo Afrika ku yaala. 


  • Horumarinta bulshada (Social Development)  

Si loo helo bulsho leh wax soo saar warshadeed, si loo helo horumar dhanka culuumta seyniska iyo caafimaadka, waxa ay reer Yurub ku fikireen in ay bulshadooda hormariyaan xaga fikirka, wax soo saarka, seyniska, iwm. 


Bulshadaas la hormariyay oo horumarkooda iyo caqliyadooda la dhisayay boqolaal sano soona martay dagaalo sokeeye iyo is adoonsi ayaa ugu dambeyn lahaatay wax soo saar warshado, dhaqaale iyo horumaro culuumta seyniska oo ah mida sahashay in ilaa dayaxa ay tagaan 


  • Awood Militari (Military Power) 

Ciidanku waa waxa ugu horeeya ee dowlad walbaahi ka maalgashato xaga hubka, aqoonta, sirdoonka, gaadiidka, dabaabaadka, agabka warbaahin ee ciidanka u gaarka ah iyo sumcadooda oo hadhow dowr weyn ka qaadaneysa in ay difaacdaan dhulkooda, awoodna u yeeshaan in ay dhul kale qabsadaan si dhaqaalaha iyo horumarka dalka loogu xoojiyo dhulkaas cusub loogana faa'ideysto. 


Taatikadan waa mid qadiimi ah oo waligeed jirtay balse xiliyadan dambe waxa lagu guuleysto maaha seef iyo tiro badni ee waa hubka, sirdoonka, dhaqaalahaaga, xulafada iyo dababaadka aad wadato waana mida ay Yurub ku faanto iyaga iyo Mareykanka oo ah curadka Yurub


  • Warbaahinta (Media)  

Weli ma is weydiisay, maxaa mar walba looga sheekeeyaa dagaaladii ka dhacay Yurub, horumaradii iyo guulihii dowladihii Yurub soo maray, maxaa wax walboo wanaagsan ama magac fiican wata Yurub lee uga dhacaan? Aaway dunidii kale? 


Dunida kale waa ay leedahay sheekooyin iyo dhacdooyin ka xiisa badan tan Yurub balse waa lagaa qariyay oo laguma tusin ee waxaa lagaa gaday taariikhdooda, fikirada iyo qaab nololeedkooda iyadoo laguu soo marinayo wararka, kanaalada taariikhda, filimaanta iyo heesaha.


Warbaahinda caanka ah ee reer galbeedka adna aad wararka ka hesho ama laga soo xigto waxaa ka mid ah BBC, CNN iyo Reuters. 


Gunaanad

Afrika iyo dalalka ku yaala waa in ay gartaan afartaan arimood kuna dhaqmaan si ay u guuleystaan caalamkana wax ula qeybsadaan. 


Tusaale waxaa noogu filan shiinaha oo wixii ka horeeyay 1945-kii uu gumeysanayay Jabaan, maanta waxa ay sameeyeen horumar dhan walba ah. Waxa ay dhisteen ciidan iyo warbaahin u gaar ah, waxa ay waxbarayaan bulshadooda, sidoo kale wax soosaar ayay sameeyaan oo xiligan dunidoo dhan alaabtooda waa gaartay, waxaana lagu tiriyaa in ay yihiin awooda labaad ee caalamka iyadoo ay ku qaadatay in ka yar 80 sano. 


Fadlan fikirkaaga hoos noogu reeb si loo kala faa'ideysto. Mahadsanidiin.

Admin

Previous Post Next Post