Dad Meydkooda sawiro la gala oo la cunteeya!

 

Torajan waa qowmiyan qiyaas ahaan gaareysa ilaa 1.1 Milyan oo ruux waxa ay ku noolyihiin Jaziirada loogu magac daray Dadka dhintay ee Sulawesi, dalka Indonesia. Dadkaan waxa ay aaminsanyihiin diimo badan sida Islaamka, Kiristaanka iyo kuwa kale. 


Qowmiyadan waxa ay caan ku yihiin in ay dadkooda dhinta aasin bilo ilaa sanado oo ay meydka ku heystaan gurigooda iyagoo sawira la galaya la duceysanaya xitaa cuntada la cunaya sida ay aaminsanyihiin walow sida aan fahmi karno aysan suuragal ahayn qof dhintay cunto cuno ama wax nolol la xiriira sameeyo. 


Ugu horey qofka marka uu dhinto waxa ay u diyaariyaan meel ay ku ridaan iyagoo u labisa una qabta isku soo bax balaaran oo lagu gowraco tobaneeyo neef oo lo' ah dadka deegaankoo dhana ka soo qeyb galaan isku imaadkaas. 


Wareysi mid ka mid ah dadka deegaan ah uu siiyay National Geographic oo Mareykanka laga leeyahay ayuu ku sheegay in dadkiisu ay dhaqankaan ka dhaxleen dadkii iyaa ka horeeyay. Dadka dhintana loo arko sida qof xanuunsan oo kale marnaba aan dhimasho loo qirin. 


Waa arin xanuun badan marka qof ka mid ah qoyskaagu geeryoodo, binu aadamku waxay isku dayaan si kasta oo ay isaga dhaadhici karaan in qofkaano nabad qabo hadey janno u baryi lahaayeen iyo hadii ay guriga ku xira lahayeenba dhamaan waxaa na wada waa walwalka dadka aan jecelnahay ee dunida ka tagay. 


Ilaahow u naxariiso kuwii naga dhintay dhamaantooda anaga ugu dambeyn wanaag nagu dil.


______________


DAAWO MUUQAAL




Admin

Previous Post Next Post