Maxaa Al-Shabab looga adkaan la'yahay?


Al-shabab si aad u fahamto waxa ay yihiin iyo halka ay ka yimaadeen waa inaan dib ugu laabato wadaadadii la dagaalay xukunkii Siyaad Barre oo ahaa Cilmaani aaminsanaa in diinta iyo xukunka dalka la kala saaro. Culumo badan oo ka soo horjeestay qaar xabsiyo lagu guray iyo kuwa la dilay ka dib waxaa bilowday nidaamkii Siyaad Barre in lala dagaalo maadaama loo arkay inuu diinta ka soo horjeedo walow dagaalka xoogiisu ka socday qabiilo iyo shacab ka careysnaa falal uu ku caburinayay intii uu xukunka dalka xooga ku heystay.

Mudo ka dib markii qabiiladii rideen dowladii Siyaad Barre waxaa dhacday in dunida Islaamku ka kacay kacdoon Islaami ah oo lagu doonayay in nidaamyada cilmaaniga ah lala dagaalo si diinta loogu xukumo wadamada Islaamka. 


Arinta Soomaaliya waxa ay barbar socotay dagaalo ka qarxay Afghanistan, Pakistan, Iraq iyo wadama badan oo Carbeed. Waxay arinta Soomaaliya si xowli ah u soo kacday markii ay yimaadeen Maxkamadihii oo u jeedkoodu ahaa iney diinta Islaamka wax ku xukumaan balse sida aan wada aragnay waxaa dalka soo galay Itoobiya oo meesha ka saartay nidaamkii maxaakiimta. 


Burburkii maxaakiimta waxaa xigay ururo ka hoos dilaacay sida Xisbul Islaam, Maqaawimada iyo Al-Shabab. Maqaawimadii iyo Xisbul Islaam ayaa ku biiray Al-Shabaab oo ay u arkeen inuu ka badanyahay tiro ahaan maadaama ragg badan oo ka mid ahaa ay ku biireen dowladii xiligaas la aasaasayay ee uu Sh. Shariif hogaaminayay. 


Mudo ka dib 2022 Al-Shabab waxaa laga qabsaday dhul badan oo ay ugu muhiimsantahay Caasimada Muqdisho iyo inta badan meelaha ay ka talinayeen. Balse Al-Shabab waxa ay badaleen nidaamkoodii dagaalka maadaama aysan ku tiirsanaan karin dhulka u soo haray saameyn iyo dhaqaale ahaanba. 


Waxaa Al-Shabaab ku haya dalka 3 arimood oo kala ah:


1. Sheegashada u dagaalanka shareecada Islaamka 

Al-Shabab waxa ay sheegtaan in ay u dagaalamaan sidii dalka loogu dhaqi lahaa shareecada islaamka. Waxaa laga yaaba marka aad maqasho hadalkaan inaad la yaabto balse waxaa jira dad badan oo fikirkan la qaba waana sababta aysan culumada qaar uga hor imaan fikirkooda walow inta badan culumadu ka hor timid falalka ay geystaan.


2. Nidaamka Cadaalada & Musuqa

Marka aad joogta magaalada Muqdisho waxaad maqaleysaa dad ka sheeganaya cadaalad darada ka jirta xarumaha cadaalada ee dowlada. Waxaa jira dad badan oo u gar dhigta Al-Shabab oo ay u arkaan meel ka cadaalad fiican kana dhaqaale yar in qofku tago maxkamad laga yaabo inuu ku lumiyo lacag badan, cadaaladna ku waayo. Cadaalad darada jirta waxa ay dad badan ku riixeysaa in ay meelo kale u raadsadaan xukun aysan ka heleyn hey'adaha cadaalada.


3. Dano Dhaqaale 

Waxaa sidoo kale jira dad badan oo iskugu jira ganacsato, shacab iyo siyaasiyiin danahooda dhaqaale ku ilaashada in Al-Shabab ay dalka sii joogaan maadaama laga yaabo in shaqadooda ama ganacsigoodu caqabad la kulmayo hadii nidaam dowladeed oo dadka sharci iyo cadaalad ku maamulayaahi dhasho.  


Al-Shabaab waxa guud ahaan geeska Afrika gaarahaan Magaalada Muqdisho ka fuliyaan qaraxyo, dilal qorsheysan iyo howlgalo ay ku beegsadaan dad badan oo ay u arkaan in ay ka soo horjeedaan nidaamkooda ama diintaba ka bexeen. Sidoo kale waxa ay lacago ka qaadaan inta badan magaalada sida suuqyada waayen, ganacsiyada qaar iyo xitaa shaqsiyaad. 




Admin

Previous Post Next Post