3 da Arin ee ii Qorsheysan Sanadkan 2023



3 da Arin ee ii Qorsheysan Sanadkan 2023 

Waqtigu wuu soconayaa, waxaa isguraya maalmaha, bilaha iyo sanadaha. Waxaan dhalanaya jiil cusub  waxaa dunida ka tagaya jiil hore. Dad ayaa fursado cusub helaya halka kuwana ay fursadahoodii luminayaan. 

Nolosha waa habeen iyo maalin, sanadii 2022 kii dad badan ayay u ahayd sanad horumar iyo barwaaqo halka qaar kalana ay u ahayd mugdi iyo guul daro. 

Dhan walbood sanadkii hore ka gashay, sanadkan cusub ee 2023 ka waxa uu dhamaanteen fursad noo siinayaa inaan la nimaano fikiro cusub, dadaal dheeri ah iyo ku dhaqaaqida waxyaalo badan oo aan mudo ku hamineynay. 

Nolosha sideedaba waa waqtiga. Hadii aadan waqti heysan, noloshaadu ma jirto. Waqtigu waxa uu nolosha u yahay fure, waxa uu fursad noo siiyaa inaan waxaa doono sameyno, nolosheena hormarino, dunidana wax ku soo kordhino. 

Marka aan yaryarnahay waqtigu qiimo nooma laha marka laga soo tago maalmaha Khamiista iyo Jimcaha oo ahaa maalmo nasiino iyo baashaal oo intaas ayaa micno noo sameyn jiray. Hada marka aan soo kornay, waxaa is badalay waxyaabhii micnaha noo lahaa, waxaa meesha ka baxay waqti lumiskii, waxaa soo kordhay masuuliyad ah inaad naftaada iyo tan qoyskaaga dusha u ridato oo aad hadaf tiigsato hadii ay ahaan lahayd, waxbarasho, shaqo, iwm. 

Isku day mar walba inaad waqtigaaga ka dhigto muhiimada koobaad oo sida aad caafimaadkaaga uga taxadarto uga taxadarto. Marka aad soo caqliyeysato oo ilaa da'da 25 ka soo gaarto waad fahmeysaa in waxa ugu qiimaha badan dunida uu yahay waqtiga; waana midka naga saacida inaan dunida wax tar ku yeelanto, taariikh ka tagno oo mustaqbalka jiilalka xigaahi aqristaan ama daawadaan horumarka aan maanta sameyno. 

Waxaa jira 3 Arin oo ii qorsheysan sanadkan cusub 2023 ka ee cawa dhalanaya; waana ina aan muhiida koobaad siiyo waqtiga, inaan joojiyo dib u dhigista shaqooyinka iyo in aan u dhaqaaqo hadafkeyga wax walba oo uu yahay anoo cidna uga baqin. 

Ogow noloshaada cid kale kuu noolaan meyso. Hadey kaa qasaarto adaa hadhow ka shalaayi doona sida hadaba dad badani uga shalaayaan. 

Hambalyo, Happy New Year 2023.
Ku soo dhawow sanad cusub oo caafimaad iyo horumar ah, insha Allah. 
Admin

Previous Post Next Post