Mucjiso: Ninka ugu Cijiyaha dhaadheer Caalamka! Cajiib

 

Image: Guinness World Records

Ninkan waxaa lagu magacaabaa  Shridhar Chillal waxa uu u dhashay dalka Hindiya. Buuga lagu daabaco Rekoorada caalamka ayuu galay ka dib markii uu cijiyihiisa gacanta bidix kobcinayay 62 sanadood laga soo bilaabo 1952-dii ilaa 2014-kii.

Waxa uu sheegay in cijiyahan korintooda iyo ilaaladooda in ay culusyo badan ka heystay maadaama qoyska uu ka soo jeeday yaraantiisii ay ka soo horjeedeen. Sidoo kale waxaa ku adkaatay inuu shaqo helo oo la shaqaaleysiiyo. Waxaa sidoo kale uu ku guul dareystay ku dhawaad 10 gabdhood oo uu isku dayay inuu midoo ka guursado. 


Ninkan Chilal lagu magacaabo waxaa loo aqoonsaday inuu yahay qofka ugu cijiyaha dheer marka hal gacan laga hadlayo oo waxa ay isku darka dhirirka cijiyihiisu gaarayeen in ka badan 9 meter. 


Waxa uu sheegay ugu dambeyn jari doono cijiyihiisa maadaama uu noqday qof da' ah mar walbana dhibaatadu ku sii badaneyso. Waxa uu ugu dambeyn cidiyihiisa jaray sanadii 2018-kii. 


Waxaa xusid mudan in uu yaraantiisii la soo kulmay caqabado badan oo danka bulshada iyo qoyska ah hadase uu fursad u heysto inuu sida qof caadi ah dadka ula kulmo. 


Waxaa u xiisii doonaa ayuu yiri dadkii igu aqoonsan jiray cijiyaheyga oo aan caanka ku ahaa balse hada la ima aqoonsan karo oo waxaa noqday qof caadi ah oo aan dadka kale waxba dhaamin.


Admin

Previous Post Next Post