Maxaa guusha nolosha kaa hortaagan?

Waa laga yaaba in mararka qaar aad la yaabto nolosha iyo qaabka ay u sameysantahay. Hadii aan nahay binu aadam dunidu waa mid imtixaan ah oo qof walboo naga mid ah ku adag. Waxaa suuragal ah inaadan shaqeyn ama lacag yar aad qaadato oo noloshaadii ama tii qoyskaaga aadan ku filneyn. Waxaa suuragal ah in qoyskaagu burburay, waxaa suuragal ah inaad tahay qof naafo ah ama jooga dal uusan u dhalan oo noloshiisu adagtahay.

Waa muhiim in aad ogaato in qof walba oo dunida dusheeda saaran uusan raaxo ku noolaan karin oo nolosha in lakala sareeyo waa mid jiri doonta waligeeda waayo qof shaqaale ah iyo mid loo shaqeeye ah ayaan nahay dhamaan oo xitaa ninka dunida ugu taajirsan dhibaatooyin u gaar ah ayaa heystaa oo qof farxad mar walba ku nooli ma jiro.


Balse aqriste waa muhiim inaad seddex arimood ku baraarugto; seddexdan arimood waa kuwa dib u dhiga hamigeena nolosha oo hadhow goor dambe aan ka shalaayi doono: 


1. Qof nolosha kugu guuleynaa ma jiro 

Caruurnimadeenii waxaan aaminsaneyn in wax walba oo dhaca hooyo iyo aabe ay noloshaada kugu guuleynayaan ama wax walba kuu fududeynayaan balse markaad soo qaangaarto waxaad dareemeysaa in dunida hooyo iyo aabe ka weyntahay oo aysan wax badan ka badali karin qaab nololeedkeena ee anaga nalaga rabo inaan shaqeysano oo dhibka iyo qaxarka ay hooyo iyo aabe naga ilaalin jireen ayaan lugaha la galnaa. Mar hadaad gaarto 15 jir waxaa lagaa rabaa inaad noloshaada qorshe u yeesho oo aad yeelato hadaf aad tiigsaneyso kuna dhaqaaqdo sidaad u noqon lahayd qof nolosha ku guuleysta.


2. Fikirkaaga ayaa ka muhiimsan kan dadka kale 

Waxaa inta badan dadka hamigooda iyo niyadooda jabiya dadka kale oo waxaa laga yaaba in adoo wata fikir ama fursad aad dhaqaale ku sameyn lahayd aad ula tagto qof kale oo uu kuu caayo fikirkaagii sidaasna aad uga leexato fursadii qaaliga ahayd waliba adigoo og inaad ku faa'idi lahayd. 


Ogow dadka waa kala fikir duwanyahay; waxaa jiri karta shey adiga kuu muuqda in dadka badankoodu arki waayaan waana sababta dad badan ay go'aan marka hore lala yaabo u qaataan oo hadhow markey ka guulkeenaana la yiraah ala hebel nasiib badanaa lkn xaqiiqadu nasiib maaha ee fikirkiisuu qofku aaminay go'aan adagna wuu qaatay. 


3. Noloshaada hala barbardhigin tan qof kale

Qof walba nolosha meel ayuu uga jiraa oo qof walbaahi waxa uu ciyaaraa kaalin muhiim ah oo aan laga maarmin. Kaliya waxaa kala sareeya sida aan kaalmahaas u qiimeyno. Qof Milyoneerka ah iyo kan kabaha caseeya labadooduba nolosha iyo bulshada waxa ay ku leeyihiin dowr balse anagaa kala fadilna oo qof walba saameyntiisuu leeyahay.


Hadii noloshaada aad rabto in ay bulshada kale saameyn ku yeelato waa in aad u dhaqaaqdo hadaba sida aad heerkaas ku gaari lahayd. Waxaad ogaataa in hormarka iyo saameyntaadu aysan ku xirneyn meesha aad ku dhalatay, dalka aad ku nooshahay, da'daada, iwm. walow ay suurag tahay in lakala fursad badanyahay hadana hadii aad tahay ma hare naftiisa hormarinteeda ku mashquula marwalba, waxaad arki doontaa in ay mar uun il kuu dilaacdo oo isugu kaa toosto. Ha sugin in hal habeen ama isbuuc aad dadaasho oo aan harkaanga gaarto.


Dadka guuleysta ee aan jecelnahay inaan booskooda gaarno intooda badan kadis wax kuma noqon ee waxa ay wax ku noqdeen dadaal joogta ah oo qaatay sanado iyadoo qaarkood ay xitaa waxba noqon ilaa 50 jir ay gaaraan halka qaarna 30 jir ay hankooda ku hanteen.


Gunaanad

Waxaa alga yaabaa inaad rabto inaad shaqo codsato oo waxaad ka cabsanee in lagu qaadan waayo, waxaad rabtaa inaad qof noloshaada ku jira iska fasaxdo, ama waxaad rabtaa inaad kuliyad aad xiiseyneyso lkn asxaabtaadu kuu caayeen bilowdo; ogow qof walba tiisuu ka fikiraa ee taada u fikir. 


Samee waxaad nolosha ka rabto adoon aqoonsi kaga raadsaneyn qof kale. Mararka qaar madax adeegu waa fiicanayahay hadaad hubto wadada aad ku socoto. Fikir aad isku daydo oo aad ku guuldareysato ayaa ka fiican fikir qatar ah oo aadan ku dhaqaaqin hadhowna ka shalaaydo.





Admin

Previous Post Next Post