Hadii aa tahay qof single ama doob ah waxaa dhagahaaga marwalba ku soo dhaca maad guursatid, Maad guursatid? Maad ilmahaaga na tustid? Waalidka, asxaabta iyo bulshadoo dhanba waxa ay nagu cadaadiyaan in aan guursano marka la guursadana wixii guurka laga sheegi jiray ee quruxda iyo qiyaaliga ahaa lama arko. Su'aashu waxay tahay xagey wax ka qaldanyihiin?
Si aan u fahamno guurka waxa uu yahay waa inaan fiirino labada u jeedo ee ugu waaweyn ee dadku u guursan jireen waligood hadana u guursadaan oo kalaha ah in caruur la iska dhalo iyo mida ugu muhiimsan oo ah in bulshada lagu nidaamiyo walow dadka qaaru waayahan guursadaan magac iyo dhaqaale doon iyagoo ah.
Guurku waa nidaamka ugu horeeya ee bulshada nidaamiya; waxa uu keenaa in dadku yeeshaan abtirsi iyo reer ay ka soo jeedaan oo halkaas loo tixraaci karo waxaana la raaciyay in dadka wada dhashay aysan isguursan karin sababtoo ah waxaa ka dhalanaya cuduro iyo dhalashada caruur aan qaab maskax iyo jir ahaanba dhameystirneyn.
Ogow guurku kaliya waa in laba qof aan aan isla dhalan ay shaaciyaan in ay guri ku midoobayaan si ay caruur u kala helaan.
Guurku maaha 100 halaad in gabar laga bixiyo ama in wiil Leen dibada ah loo xiro. Waa ay furantahay in dadku wax kala qaataan magacey doonaanva ha ugu yeeraane balse u jeedka ama hadafka u dambeeya ee guurku waa in qoys la abuuro halkaasna caruurta, hooyada iyo aabaha ay ku noolaadaan oo is weheshadaan iyagoo barbaarinaya caruurta si ay bulshadooda iyo caalamkaba wax u taraan.
Waxaa guurka hoostagaya masuuliyado badan oo ah ka midyihiin ka mid in qoyska ay noloshooda quud, hooy iyo amniba u helaan waana mida inta badan aabuhu dusha u rito halka hooyaduna daryeelka caruurta iyo guriga ay yeelaneyso.
Wada shaqeyntaas ayaa guurka hoostaala waana mida inta badan waayahan dambe aad moodo in ay sii lumeyso maadaama hooyada iyo aabuhuba ay gudan waayeen masuuliyadooda.
Xiligan dambe waxaa la isku qiimeeyaa yaa lacag leh, yaa qurxoon iyo yaa magac leh. Ogow qof aad intaas mid ka mid ah ku soo xulatay waa ay adagtay in aad guri
kuwada noolaataan sababtuna waa in dadka intooda badan ay ka beensheegaan noloshooda, dhaqamadooda liita ay qariyaan ama aduguba aad qiyaali iska dhaadhiciso gadaalna aad ka ogaato qofka saxda ah ee aad guursatay.
F.G: Aqristow ogow, anigu maahi qabiir arimaha qoyska balse waxaan qormada uga hadlay waxyaabaha aan ka arkay dadka guurka qaabka ay u maraan.