Maagaalada Laasacaanood oo ah xarunta gobalka Sool waxaa in mido ah ka socday rabshado iyo xadgudubyo loo aaneynayay arimo siyaasadeed oo Somaliland iyo Puntland ka dhexeeya.
Dadka deegaanka ku ah magaaladan faca weyn ayaa la kulma carqalado, daganaasho la'aan, dilal qorsheysan iyo xarig. Waxa ay maagaaladu hoos tagtaan maamulka Somaliland oo kala wareegey madaxweynihii maamulkii ku biiray Somaliand ee Qaatumo State mudane Cali Khaliif Galeyr.
Laasacaanood waxaa la mid ah maagalooyin iyo tuulooyin kale oo ku yaala dalka oo ay ku dagaalamaan maamul goboleedyo iyo qabiilaba.
Waxaa xusid mudan in dagaal sokeeye uu yahay midka meeshan dalkeena iyo dadkeena dhigay oo naga reebay dadkii asaageen ahaa oo dunida wax la qeybsada inaguna waxaan joognaa meel aan u dhigmin 40 sano ka hor.
Dadku marka aysan heysan wax ay ku mashquulaan, hadaf ay tiigsadaa ama cadaw shisheeye waxaa dhacda in la isku soo laabto oo iyagu is laayaan. Dagaalada sokeeye maaha kuwa dulmi looga baxayo ee waa kuwa aan dhamaan u jeedna lahayn. Waa kuwa ay ku dhamaadaan dadkeena iyo hantideena, caqliyadeena iyo wax soo saarkeenana hoos u dhiga.
Waxaa jira dalal daris nala ah oo dhul badan ka heysta Soomaaliya, waxaa jira dalal badaheena macdanta iyo kheyraadka ka gurta, waxaa jira kuwa aan noo ogoleyn inaan fursado dhaqaale sameysano. Cadowgaas tirada badan dadkeenu ma arkaan. Waxa ay kaliya arkaan qabiil iyo nin iska dhicin aan fadhi ku dirirka dhaafin.
Maxaa micno ah oo ka dhalanaya hadii aad dad u disho waa reer hebel? Waxaa ka dhalanaya dagaal iyo reerkii kale oo soo aargoosi taga.
Maxaa ka dhalanaya hadaad shisheeye kheyraadkaaga daldalanaya la dagalanto? Waxaad ku heleysa sharaf iyo kheyraad aad dadkaaga baahidu leyneyso ku badbaadiso.
U jeedka qormadan waa in aan dagaal sokeeye nuucuu doonaba ha ahaadee aan fahamno inuu yahay qalad. Dunida xitaa ma jirto laba dal oo isdagaala hadana kala guul-gaara, iskaba daa dal dadkiisu wasa dhasheen, isladagan hadana aan nabad isku ogoleyn. Waa sida laba cunug oo walaal ah qolna wada seexda hadana aan hurdada isku ogoleyn. Labadaas cunug midkoodna ma hurdayo, waxbarasho malaha, cadawgoodana waa ka faa'ideystaa oo midba maalin ayuu ku duulaa.
Dhibku waxa uu ka imaanayaa maaha reer hebel oo qaldan ama qof ceel lagu dilay ee waxaan nahay dad aan hadaf lahayn oo iska socda. Waxaa na hogaamiya dad aan calooshooda maahee cid kale ka fikirin. Waxaa culumo noo ah mid diinta u heysta kitaab masjid laga aqriyo. Waxaan astaan u noqonay dalalka iyo umadaha fashilmay oo nolosha ka dhacay.
Hadii aan rabno in aan ka baxno baahida, dagaalka iyo dulinimada waa inaan dadkeena u yeelno meel ay tiigsadaan iyo mustaqbal loo shaqeysto 50 sano ee soo socda. Dadku waxa ay ku mashquuli doonaan wax soo saar, dhisida dalkooda, waxbarasho iyo iska dhicinta shisheeyaha nagu maadeysta har iyo habeen.
Fikirkaaga hoos noogu reeb: Sidee looga bixi karaa dagaalka iyo isqabqabsiga aan dhamaadka lahayn?