Diyaaradaha Mareykanka ee Muqdisho lagu Duqeeyay 1993, Black Hawk

Ka dib burburkii dowladii Maxamed Siyaad Barre waxaa halkiisii ka sii socday dagaaladii sokeeye ee ka dhexeeyay Jabhadihii iyo qabiiladii la dagaalay dowladii Siyaad Barre.


Waxaa magaalada Muqdisho isku qabsaday Madaxweynihii dowladii xiligaas la aasaasayay Mudane Cali Mahdi iyo Janaraal Maxamed Faarax Ceydiid oo aan aaminsaneyn sharci ahaanshaha dowladaas ayaa magaaladii Muqdisho laba dhinac u kala goostay.


Janaraal Ceydiid waxa uu diiday inuu la shaqeeyo dowladii Cali Mahdi iyo dowlado ay ugu horeysay dowlada Mareykanka oo xiligaas ahayd dowlada ugu awooda badan caalamka. Mareykanka iyo ciidamo ka socday Qaramada midoobay ayaa saldhigyo ka sameystay goobo badan oo magaalada ah.


Dowlada Mareykanka oo rabta iney qabato Janaraal Maxamed Faarax Ceydiid oo lagu eedeeyay inuu bartilmaameedsaday ciidamii Qaramada midoobay iyo kuwii Maraykanka ee xiligaa ka yirsanaa howlgalkii UNISOM II ayaa weerar culus ku soo qaaday Suuqa Bakaaraha oo la sheegay in ay kulan ku lahaayeen Janaal Ceydiid iyo xubno sarsare oo ka tirsanaa xisbigiisii SNA. 


Dowlada Mareykanka waa ay ka warheysay in Janaraal Ceydii aan sahal lagu qaban karin balse iyagoo wata dabaabaadkooda iyo diyaarado islamarkaana kaashanaya Ciidamadii Qaramada midoobay oo ay ka mid ahaayeen ciidamo ka socday dalalka Maleysia iyo Pakistan waxay weerareen Suuqa Bakaaraha oo dagaal socday 2 maalmood ka dhacay.



Muqdisho oo xiligaas labo dhinac u kala go'neyd ayaa dadkii daganaa Koonfurta Muqdisho oo ahaa dadkii uu ka soo jeeday Janaraal Ceydiid u arkeen in iyaga lagu soo duulay hogaankoodana loo socdo. Halkaas waxaa dagaalkii isku badalay dagaal u dhaxeeya dadka deegaanka iyo Ciidamadii Mareykanka. 



Dagaalku maahayn mid loo simanyahay oo waxaa dagaalamay dad shacab u badan iyo ciidan dowlado ka socda oo hub iyo diyaarada wata. 



Ku dhawaad labo maalmood ka dib waxaa ku adkaaday dagaalkii Janaraal Ceydiid iyo dadkii deegaanka oo gubay dabaabaad iyo diyaarado ay ka mid ahayd Black Hawk oo ahayd mid ka mid ah diyaaradihii dagaalka ee Maraykanku ku faanayay xiligaas. 



Dowladii Mareykankana markey arkeyn in dadkani meel ka soo wada jeesteen oo diideen iney dhiibaan Ceydiid waxa ay go'aansatay in howlgalkoodii ay ku bartilmaameedsanayeen Janaraalka ay gabi ahaanba joojiyaan maadaama dadkii ay ku keceen ficiladooda loona arkay gumeyste cusub.





Admin

Previous Post Next Post