Maxay wiilashu gabdhaha ugu diraan sawirada xaga hoose? 🥒 🤔

 


Waxaa laga yaabaa in qaarkeen ay la yaabaan su'aasha nuucaan ah balse xaqiiqada waxay tahay in ragg badan ay diraan sawirada nuucaan ah sidey doonaan haku sababeeyaane. 


Hadaba maxaa kalifi kara in wiil ama nin uu sawirka xubintiisa taranka u diro? Waxaaa soo jeedineynaa ilaa 2 qodob oo ay suuragal tahay in ay arintan sababeen.


1. Faan iyo Qab 

Raggu inta badan waxaa jira qab dhanka ragganimada ah oo qofku isku arkayo in xubintiisa xajmigeeda ama muuqeeda in gabadhu ku xulaneyso isagoon fiirin waxyaabo kale. Waxaa jirta ragga dhexdooda in la isku caayo ama la isku amaano xajmiga xubintan oo ninka mid weyn leh loo arko inuu ragg ragg dhalay yahay halka mid xubintiisu yartahayna loo arko in ragganimadiisu yartahay. 


2. Isfaham darro 

Gabdhuhu waxa ay wax ku xushaan ninka qaabkiisa, muqihiisa, labiskiisa iyo wajigiisa qurxoon oo kale. Waa ay yartahay gabar sawirka xubintaada ii soo dir ku dhaheysa weliba marka la isku cusubyahay ama aan la is aqoon. 


Maxaa haboon in raggu sameeyaan? 

Hadii ay dhaco wiilow  inaad gabar sawir u dirto ama ay kaa codsato isku day inaad u dirto sawiro adigoo wax qabanaya sida shaqada, dalxiis, xaflad ama mar adoo labis qurxoon wata.

Haweenku waa ay jecelyihiin ragga noloshoodu hor marsantahay oo mar walba ku mashquulsan sida ay naftooda u hormarin lahaa balse inta badan ma daneeyaan qof iyaga daba socda oo aan nolol kale lahayn.  



Admin

Previous Post Next Post