Walaashaa ama Walaalkaa ma guursan kartaa? 👫



Inteena nasiibka u heshay inaan yeelano walaal gabdho ama wiilal ah waxaan dhamaan la soo kulannay su'aasha ah; Maxaan walaalkeey ama walaashey u guursa karin? 

Maxay dadka qaar Iskadhal u sameeyaan? 

Iskadhalku waa marka ay laba qof ama la xayawaan oo wada dhashay sida wiil iyo walaashii isku tagaan, halkaasna uu cunug ka dhasho. 

Sababaha dadka qaar ay isugu guuriyaan dad hal qoys ka wada tirsan waa in ay iska ilaaliyaan in dad kale ay soo dhexgalaan reerka weyn oo sidaan waxaa sameeyaa boqortooyooyinka iyo qoysaska magaca leh ee ka baqa ama iskala weyn dadka shisheeye sida ka dhacday boqortooyooyin Ingiriiska ka talinayay iyo xitaa kuwa hada talada dalka Ingiriiska iyo UK haya. 


Maxaa diidaya in dadka walaalaha ahi is guursadaan? 
Qofka aan fahamsaneyn sababaha loo diiday guurka dadka walaalaha ah ama guurka waalidka iyo caruurta waxaa jirta sababo dhanka taranka ah oo xanibaya ama diidaya inaan sidaas isku guursano ama ilmo isaga dhalno. 

Waan fahmi karnaa walaal aad isla soo korteen oo wax walba yaraantiinii isla soo marteen inaad nolosha marka ay timaado la isku kiin diido waa wax dadka qaar aysan jecleysan balse guurkani waxa uu halis galinayaa caafimaadkiina, caafimaadka ubadka dhalan doona iyo kan bulshada oo waxaa ka imaanaya dabar go' iyo tarankii bulshadaba inuu joogsado. 

Dadka wada dhashay waxa ay wadaagaan Hidde wax la yiraah oo ah meesha xogta qofka dhalanaayaahi ku jirto sida midabka qofka, dhirirkiisa, muuqaalkiisa, xanuunada uu la dhalanayo oo uu dhamaantood ka dhaxlayo hooyada iyo aabaha. 

Tusaale, hadii hooyada iyo aabuhu ay jiraan xanuuno ama cuduro u qarsoon waxaa suuragal ah in cunugaas markuu dhasho ay isaga ka soo muuqadaan. Waxaa suuragal ah in cunuga dhalanaya uu noqdo dhiman-dhiman ama xubnaha jirka qaar ay ka maqnaadaan, iyo waxyaabo kale. 

 

Muhiim

Hadii aad guursaneyso ama rabto inaad qof kale ilmo kala heshaan, waxaa haboon inaad raadiso qof kuu qalma kana baxsan reerkaaga hoose si labadiina iyo caruurtiinuba u heelaan caafimaad iyo hidde adag oo ka maran xanuunada iyo waxyaabaha qoyskaagu ku liito. 



_____________

_____________

Qeexitaan fudud

Hidde: Meesha xogta qofka dhalanaayaahi ku jirto sida midabka qofka, dhirirkiisa, muuqaalkiisa, xanuunada uu la dhalanayo oo uu dhamaantood ka dhaxlayo hooyada iyo aabaha. 

Iskadhal: Waa marka ay laba qof ama la xayawaan oo wada dhashay sida wiil iyo walaashii isku tagaan, halkaasna uu cunug ka dhasho. 


Admin

Previous Post Next Post