Weligaa Qurux darteed Qaliin ma u gashay? Qurux, Qarash & Qaraaso




Dunidan waxyaabha lagu tartamo waxaa ugu horeeya quruxda iyo hanaanka qofka sida wajiga, naasaha dumarka, 6 back-ga ragga iyo barida haweenka. 


Waxaan jecelnahay dhamanateen inaan noqono kuwa ugu quruxda badan calaamka oo aan iska bareejeyno aktarada iyo celebrity-ga aan xiiseyno. 


Dad badan ayaa riyadooda isku dayay in ay ka rumeeyaan oo waxa ay u galeen qaliin sida ay ugu qurux badnaan lahaayeen muuqaalkooda hada halka dad kalana aya qaliin u galay ka dib dhaawacyo wajiga iyo xubnaha jirka ka soo gaaray. 


Waxaa jira nuucyo badan oo qaliin ah oo dadku ay dalbadaan sida wajiga, naasaha, barida iyo xitaa caloosha waxaa sidoo kale waayahan caadi iska noqotay beerashada timaha. 


Waxaa bilowgii 2000 soo kacay wax loo yaqaano plastic surgery oo ah qaliin qof jirkiisa ama muuqaalkiisa wax looga badalayo iyadoo la adeegsanayo silicone oo la galiyo naasaha iyo baridaba. 


Qaliimadan nuucaan ah waxaa sanadkii 2020-kii lagu agu bixiyay $16.7 Bilyan oo doolarka Mareykanka ah. Waana meel in ay sii kororto maahee aan nusqaami doonida sida hada dunidu ku socoto. 


Qaliimadan waxaa jira kuwa lagu guuldareysto weliba dadka aan qarashka fiican heysan. Waxaa jira gabdho reer galbeed ahaa oo tagay Brazil si ay barida u soo adkeeyaan iyadoo loo sameynayay Brazilian butt lift ama (BBL) oo qaarkood qaliinkoodii noqday fashil. Waxaa baraha bulshada la wareejinayay sawiro xitaa in aad indhahaaga ku fiiriso ay adagtahay oo qofkii baridiisii ay gabi ahaanba burburtay iyo kuwo wajiga looga ciyaaray. 


Dalalka ugu badan ee qaliinkaan sameeya waxaa ka mid ah; Koonfurta Kuuriya, Hindiya, Mareykanka, Pakistan, iyo Brazil. 


Binu aadamku marnaba kama dhamaado inuu naftiisa eedo ama isku arko midaan qurux badaneyn oo xitaa gabadha ama wiilka ugu qurxoon caalamka weli wuxuu tabayaa inuu sidaan ka sii qurxoonaan kari lahaa. 


Hadii aad tahay qof muuqaalkiisa okay yahay isku day inaadan naftaada halis galin waayo haduu qaliinkaagu fashilmo waxaad halis ugu jirtaa inaad nolosha ka dhacdo. 


Daawadow nala wadaag, maku kalsoontahay muuqaalkaaga iyo quruxdaada mise waxaad geli lahayd qaliin si aad isku qurxiso? 


Admin

Previous Post Next Post