Maanta waxaan soo bandhigeynaa mid ka mid ah cuntooyinka qeybo ka mid ah caalamka laga cuno; cuntooyinkaasu maaha bariis, pizza iyo hilib ee waa cunida eeyaha, tixriga, dooliga, baranbarada, diidiinka, farabadnaha, caaracaarada, iyo kuwa kaloo baadan oo aan halkaan lagu soo koobi karin.
Cuntooyinkan waxaa inta badan laga cunaa dalal qaarada Aasiya ku yaala sida Shiinaha, Taayland iyo Indunuusiya. Dadka cunaya waxyaabaha anga aan ku lalabooneyno waa u dhaqan iyo caado oo waa wax ay weligood soo cuni jireen. Waxaa suuragal inaad taqaan magaalo dalkeena laga faano cunida caloosha Ariga halka magaalo kale ay qaali ka tahay oo dadkuba isku dilayaan.
Dhalinyaro badan oo shiineys iyo kuwa kale isugu jira ayaa baraha bulshada soo dhiga muuqaalo Live ah iyagoo cunaya cayayaan ay dileen ama xitaa kuwa nool oo waxaa laga yaabaa inaad aragto caaracaaro ama farabadne nool oo la si laqayo.
Dhinaca kale waxa jira si caadi ah maqaayado aad ka cuni karto cayayaanka oo habeysan ama iyagoo ceyriin ah ayaad suuqa ka soo gadan kartaa. Waxaa xusid mudan in dadka ay cunaan cuntada caadiga ah, cayayaanku inta badan waa dheeraad maadaama dhaqankaanu meelo badan ka sii suulayo sanadahan dambe.
Ugu dambeyn, maxay kula tahay dhaqamada dadkaan iyo cunida cayayaanka. Malaga yaaba inaad isku daydo waxyaabaha ay cunaan qaarkood?
Daawo Muuqaalka