Dalka Holland waxaa lagu arkay diktoor uureeyay 78 haween ah aabana u ah 200 oo caruur. Hadaba sidee sheekadani ku dhacday maadaama uusan dikoorku qabin haweenkaan ilmahaasna uusan xitaa kala aqoon.
Magaciisu waa D.r Jan Karbaat waxa uu ahaa dhaqtarka dhalmada isbitaal yar oo ku yaalay dalka Holland. Waxa uu haweenka u sameyn jiray bacrimin dhalmo isaga oo isticmaalayay biyaha ragg deeqsiyaal ah ay isbitaalka ugu deeqeen si hooyooyinka aan ragoodu dhalmada karin u isticmaalaan iyagoo guurkooda wata ama si ay ilmo u helaan hablaha aan guurka rabin ama heli karin nin ay ku qanci karaan.
Dr. Karbaat waxa uu sameynayay bacriminta xili dalkiisa Holland ay ku cusbeed laga soo bilaabo 1980-yadii ilaa 2000. Waxa uu inta badan qarin jiray ragga ku deeqay biyahan uu haweenka ku bacriminayo iyadoo haweeneydu kaliya ay arkeyso sawirka ama astaaaha ninka ay dooneyso iney ilmihiisa qaado balse aysan la kulmi karin lana xiriireyn.
Mudo ka dib waxaa shaki badan muujiyay hawenkii uu ilmaha ku talaalay oo qaarkood diktoorka ku eedeeyay inuu qiyaano iyo wax is daba marin wado.
Mar dambe ayaa wariyayaaldaba galaywaxay soo ogaadeen in diktoorku biyaha ragga kale ku bedeli jiray kuwiisa oo uu ku talaali jiray haweenka uu markaas isaga la damco sidaasna ay uurkiisa ku qaadeen ilaa 78 haween isagoo ku dhawaad 200 caruur ah aabe qarsoon u ah.
Qaar ka mid ah caruurtiisa ayaa kulmay iyagoo afartameeyadooda ku jira ka dib dhimashada aabhood sanadii 2017-kii. Wareysiyo ay warbaahinta siiyeen waxay qaar caruurta ka mid ahi ku sheegeen ineysan ku qanacsaneyn falka qaldan ee uu sameeyay aabohood halka qaarkood ay ku qanacsanyihiin inuu ahaa nin diktoor ah oo caqli badnaa.
Hadaba daawadow, sidee u aragtaa qiyaanada intaa la eg ee uu dhaqtarkaasu geystay? Mise laga yaabaa in dalkeena arintaas mid u dhaw ay ka jirto?
_______________
DAAWO MUUQAAL