Saaxiibtinimadu waa shey qaali ah marka aad heysato dad adiga kugu haboon oo qaab aad nolosha u fiiriso u fiirin kara.
Waxaa la yiraah 'qof hadii aad rabto inaad barato saaxiibadiis ayaa la fiiriyaa, halkaas ayaad ka arki kartaa qofka uu yahay iyo waxa laga filan karo' walow dadka qaaru micno badanyihiin saadaalintooduna adagtahay.
Ujeedooyinka ugu waaweyn ee saaxiib loo sameysto waxaa ka mid ah in nolosha aad hesho dad ku garab qabta oo niyad ahaan iyo wax tar kalaba ha ahaatee aad kala heshaan la isna garab istaago.
Hadaba 3 dan qof iska ilaali oo hala saaxiibin si aad uga badbaado shalayto goor dambe ah:
Qofka 1aad waa Saaxiibka Xaasidka ah
Waxaa inta badan jira qof ka mid ah saaxibadaada kuugu dhaw oo isaga kaa dhiga iney wanaagaaga iyo horumarkaaga jecelyihiin balse markaad si qoto dheer u fiiriso dhaqamadiisa waxaad arki kartaa inuu yahay xasad ama qof aan kuu quurin inuu wanaaga iyo guushaada ku farxo. Waa qofka ka naxa markaad wax uun ku guuleysato, ha ahaato shaqo, lacag ama wax kale. Waa qofka ku farxa markaad guuldareysato oo mar walba xumaantaada iyo guuldaraada oo kaliyhi u muuqato.
Qofka 2aad waa saaxiib aan wada wanaagsan heyn
Saaxiibkani maaha xaasid waa kuu faraxsanyahay balse waxa uu leeyahay dabci ama dhaqan aad u liita oo waa qof xumaanta sida xatooyada, daroogada iyo ku xadgudubka dadka kale ku mashquulsan oo fartuu taagaba meel aan wanaagsaneyn ayuu kula jiraa. Saaxiibkaas waxaad halis ugu jirtaa inaad dhankiisa aado oo beri aad dhinacaaga darooga iyo xatooyada ka gasho.
Qofka 3aad waa saaxiibka aadan nolosha isku hadafka ka ahayn
Ka soo qaad adiga waxaad rabtaa inaad noqoto qof hantiile ah halka saaxiibkaana uusan hanti iyo lacag muhiim u arkin ee kaliya waxa uu fiirasadaa mushaarka bisha u soo dhaca waqtigiisa kalana ciyaar iyo baashaal ayuu ku dhameeyaa hadii aad ku soo hadal qaado mustaqbal, shaqo ama hantina waa uu kugu qoslayaa amaba kula dagaalayaa.
Saaxiibkaan si kastuu u wanaagsanyahay waxaa uu kugu noqonayaa culeys maadaama uusan ahayn qof hankiisu sareeyo wax badanood ka sheekeysataan ma jireyso waliba waxaa suuragal ah in markaad dhowr jeer ka cudur daarato isagoo raba inuu baashaal iyo madadaalo kuu wado maadaama aad noloshaada shaqo iyo waxbarasho galisay inuuba kugu naco ama kugu caayo shaqada aad ku mashquulsantahay 24-ka saac.
Ogow waxa aad tahay, 5-ta qof ee saaxiibadaa kuugu dhaw waxa ay yihiin; dhaqaale ahaan, shaqo ahaan iyo hami ahaanba
F.G: Hadii aad rabto inaad horumar nolosha ka gaarto la saaxiib dad adiga kaa sareeya; xaga aqoonta, hantida, iyo noloshoo dhanba ileen kuwaas ayaad wax ka baran kartaa iyagaana kaa saacidi kara meeshaad u baahato inaad fursad ka hesho.