Caalamka anu ku noolnahay waxaa qiyaas ahaan ku nool 7.753 Bilyan oo dad ah Soomaaliduna waxa ay ka tahay ku dhawaad 20 Milyan.
Qaabka aan u qiimeyneyno caan ahaanshaha dadkaan waa saameynta ay dunida ku leeyihiin anaga oo fiirineyna dhinacyo badan.
Qof 5aad waa Sundar Pichai
Sundar Pichai waa maamulaha guud ee shirkadda Google oo ka mid shirkadaha ugu caansan dunida iyo Internetkaba. Sundar Pichai waxa uu ka soo jeedaa kuna dhashay Hindiya. Sundar Pichai waxa uu shirkadda Google ku soo kordhiyay Gmail, Google Chrome iyo Google Maps, waxa uuna taageera kooxda kubadda cagta FC Barcelona.
Qof 4aad waa Mia Khalifa
Mia Khalifa waxa ay ahayd jilaa filimada Galmada ah ee loo yaqaano Porn-ka. Waa 29 jir ka soo jeeda dalka carbeed ee Lebanon waxa ay soo caanbaxday marka ay bilowday jilida filimada Galmada oo xitaa dad badan oo muslimiin ah ka careysiisay maadama ay muuqaal ku jishay iyada oo xiran xijaab ama qamaar jirkeeda kalana qaawanyahay.
Qof 3aad waa Elon Musk
Elon Musk waa qofka ugu taajirsan caalamka waxana lagu qiimeeyay hantidiisa 260 Bilyan oo doolarka Mareykanka ah (USD). Elon Musk waxa uu ka soo jeeda South Africa balse waxa uu heystaa dhalashada dalalka South Africa, Canada iyo Mareykanka oo uu hada ku leeyhay dhowr shirkadood oo ay ka mid tahay Tesla Motors oo ah shirkad soo saarta Baabuur korontada ku shaqeeya ee aan shidaalka u baahneyn.
Qof 2aad waa Cristiano Ronaldo (CR7)
Cristiano Ronaldo waa ciyaaryaahan kubada cagta una soo ciyaaray kooxaha Man United, Real Madrid iyo Juventus. Ronaldo waxaa lagu sheegaa midka ugu caansan ciyaartooyda kubada cagta isaga oo ay ku xiranyihiin ku dhawaad 500 Milyan oo qofood aalada Instagram kaliya. Ronaldo waxa uu ka soo jeedaa Portugal oo daris la ah Spain kuna yaala qaarada Yorub.
Qof 1aad waa Boqoradii Elizabeth II
Boqoradii dhimatay ee boqortooyada Britain Elizabeth II ayaa noqotay qofka ugu hadal heynta badan caalamka sanadka 2022-ka ee sii dhamaanaya iyadoo ka talineysay boqortooyada Britain in ka badan 70 sano. Queen Elizabeth II waa ay ka soo jeedaa Britain walow la sheego in qoyskeedu asal ahaan Jarmal yihiin, waana hooyada boqorka hada talada la wareegay King Charles III
Waxaa sidoo kala jira shaqsiyaad aan liiskan ku darin ee uu ka midyahay Leo Messi oo ah ciyaariyahan u dhashay dalka Argentina una ciyaara kooxda PSG. Messi waa xidiga ugu fiican dunida sida ay dad badani qabaan waxa uu hawada qabsaday bishan December oo uu xulkiisa Argentina kula guuleystay koobka aduunka (World Cup 2022) oo ka dhacay dalka Qadar.
Waad mahadsanathay aqriste. Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo isticmaal share-ta hoose. Fikirkaagana hoos noo reeb.