Sidee looga gudbi karaa in wadooyinka Muqdisho loo xiro madaxda dalal kale?


Magaalada Muqdisho waxaa joogta iska noqday in dowladu xirto wadooyinka magaalada mar walba oo ay madaxda dalkeena ama kuwa dalal shisheeye soo dagayaan.


Waxyaabaha dowladu ka hortageyso waa in madaxdu la kulanto amni daro sida qaraxyo lala beegsado kolonyada baabuurta ka soo daabuleysa garoonka Aden Cadde ilaa madaxtooyada Villa Somalia.



Dhinaca waxaa jira ku dhawaad 4 million oo ruux oo ku nool Muqdisho arintana ay saameyso si joogta ahna loo carqaladeeyo nolol maalmeedkooda iyadioo mar walboo wadooyinka la xiro magaaladan dhaqaalaheeda waxyeelo soo gaaraan.



Hadii aad dagantahay Muqdisho kuguma cusba shaqo loo fasay madaxweyne dal kale oo soo booqanaya madaxda dalka balse sidoo kale waxaa gabi ahanaba xirma ganacsiyada ku yaala meelaha ugu mashquulka badan caasimada isbitaalada iyo goobaha waxbarashada iyadoo lagu soo daadiyo wadooyinka askar iyo gaadiidka gaashaaman mararka qaarna isku socodka dadka ama lugtaba lama  ogoleyn.



Su'aasha isweydiinta mudani waa sidee looga gudbi karaa in magaalo caasimad ah oo dhaqaalhii dalkeena halbowle u ah in shaqsi loo xiro? 



Waxaa jira 3 arin oo la sameyn karo si looga gudbo xiritaanka wadooyinka; 



1. In magaalada Amni laga dhigo

Muqdisho waa magaaldo dagaal  qarax iyo cabsi ku caan ah marka aad fiirso taatiikhdeeda mudo ka badan 30 sano. Dowlada Federaalka Soomaaliya waxa ay u baahantahay dadaalo amni oo magaalada u gaar ah. Muqdisho waa magaalo aan dadka degan la aqoon, waa magaalo aan lahayn nidaam amni oo looga hortagi karo in qaraxyo laga fuliyo, waa magaalo xitaa aan lahayn xuduud ama xeendaab laga ilaaliyo oo qofkii rabaa soo gala kana baxa. 



Dowladu hadii ay ka dhabtahay nabadeynta Muqdisho waa ay u sameyn kartaa nidaam lagu xaqiijinayo amniga caasimada, ogow kama hadlayo askari meel taagan ama qof xamaasadeysan oo telefishinka ka hadla ee waa in la helo siyaasad amni oo fadhisa lana fuliyo iyadoon cidna looga gabaneyn.



2. In dadka Muqdisho ay nabadeystaan magaaladooda 

Muqdisho dadka ku nool waa dadka ugu hormarsan Soomaalida xaga aqoonta, dhaqaalaha iyo ganacsigaba balse waxa ay ku guuldareystee in ay maagaaladooda amni ka dhigtaan. Waa nasiib daro in aad indhaha ka fiirsato qof magaaladaada qarxinaya ama qof kale ku dilaya. 



Waa dadka magaalada sida duqowda, ganacsatada, aqoonyahanka, culumada iyo dhalinyaraduba la dagaalan fikirada qaldan ee dadka qaar aaminsanyihiin ee ah in qof dhiigiisa la daadin karo iyadoo diin loo soo marayo waana mida inta badan ay dad badi ugu qanacsanyihiin ama uga hortagin qof fal xun ka sameynaya magaaladiisa. 



3. In madaxtooyada Villa Somalia iyo hey'adaha dowlada meel magaalada geeskeeda ah la dajiyo 

 

Maadaama ujeedooyinka magaalada loo xirayo ay tahay hey'adaha dowlada oo ku dhexyaalada magaalada dhexdeeda; waa muhim in magaalada loo kala saaro laba qeyb.



Qeyb waa in loo daayo deegaanka iyo ganacsiga si loo helo dhaqaale iyo deegaan qurxoon halka qeyb kalana la dajinayo dhamaan hey'adaha dowlada sida Madaxtooyada, Guriga Baarlamaanka, Xaafiisyada Ra'iisul wasaaraha iyo wasaaradaha, Taliska hey'adaha amniga, iwm. Waa in dowlada Federaalka iyo maanulka gobolka Banaadir ay ka baxaan xeyn daabka shacabka si aan loo carqaladeyn noloshooda iyadoo la weyneynayo shaqsi booqasho iyo baashaal ku yimid dalkeena. 



Waa muhim inaad ogaato in arintani aysan ku socon madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta isaga wadooyinka loo xiray. Arintani waa mid soo jireen ah oo dowladii horaba sidan waa sameyn jirtay, tan soo socotana ka filo. Waxaa jiri madaxweynayaal kale oo iyagana wadooyinka loo xiri doono mana dhamaan doonto sheekadan. 



Su'aasha dadka deegaanka ku ah Muqdisho iyo maamulka gobolka Banaadir u taalaahi waa; maxaad magaaladiina u nabadeyn la'dihii?


Maxaad noshiina u bahdileyn oo isku cunaqabateyneysaan?


Mawaadan u qalmin inaad hesho amni iyo xoriyad aad magaaladaada ugu noolaato halka askari loogu talagalay inuu xuduud ilaaliyo uu adiga kaa ilaalinaayo inaad magaaladaada ku noolaato? 



F.G: Qormadan maaha mid cilmiyeysan ee waa fikir shaqsiyeed. 


Admin

Previous Post Next Post