Muuqaalkan waxana idin kula wadaagi doonaa qof ka sheekeynaya sida muuqaalkiisa oo foolxumi kaga haray dunida oo dhan oo haweenka iyo xitaa raggii ka carareen iney la saaxiibaan.
Qofku marka uu foolxunyahay waxaa jira caqabado dhanka bulshada kaga imaada sida; in la aflagaadeeyo, lagu maadeysto amaba la gooyo qofka ilaa heer uu dadka ka dhex baxo oo naftiisa halis galiyo maadaama uusan arkin qof u muujiya rabitaan ama qadarin iyadoo lagu faquuqo muuqaalkiisa aan soo jiidashada badan lahayn.
Qofku marka uu dadka ka dhex baxo waxaa maskaxdiisa ku soo dhacda inuu ka aargoosto kuwii xumeeyay sida gabdhihii diiday ama raggii ku maadeysan jiray halka mararka qaarna uu isagu nafta is dhaafiyo si uu dhibkanba uga boxo.
Yarkan waxa uu muuqaalkiisa ku sheegay in uu isku dayay inuu xiriir la sameeyo boqolaal haween ah oo inta badan uu kula kulmay baraha bulshada balse uusan ku guulaysan walow uu sheegay inay jirtay gabar mudo kooban isticmaali jirtay oo ka diiday inay xiriirkooda banaanka u soo bixiyaan oo wey qarin jirtay.
Waxa uu sidoo kale sheegay in gabadhaasu ragg kale ku dul shukaansan jirtay iyada oo gurigiisa joogta oo uusan waxba ka qaban karin maadaama ay ku handadi jirtay iney ka tageyso haduu arimahan ku soo hadal qaado.
Noloshu ma aha mid loo siman yahay. Dadka qaar ayaa muuqaal qurxoon heysta, qaar ayaa foolxun, qaar ayaa hantiilayaal ah halka kuwa kalana aysan heystan shilin ay quud ku iibsadaan. Haka xanaaqin hana ka cabsan in dadku ku deyriyaan.
Iskuday meel walba oo aad nolosha ka joogto inaad waqtigaaga galiso si aad naftaada iyo noloshaada u dhisto. Hadii aad tahay nin, isku day inaad kor u qaado waxyaabaha bulshadu kugu rabaan sida muuqaal qurxoon, lacag, magac iyo wixii la halmaala, halka hadii aad gabar tahay ay muhiim tahay in muuqaalkaaga, sumcadaada iyo waxyaabaha haween ahaantaada sare u qaadaya inaad ku dadaasho.
Waa in aad yeelato waxyaabo dadka aad ku soo jiidato oo adiga kuu gaar ah waa hubaal in dadku hilmaami doonaan muuqaalkaaga. Waligaa qof kale naftaada hala barbardhigin. Marwalbana ogow qof ayaa kaa foolxun. Qofkaa is tiraah waa qurxbadanyahayna qofbaa ka qurxoon.