Sida aan la wada socono dunidu waa mid maalin walba horumarkeedu sii hana qaado, dalwalbaahi waxa uu isku dayayaa inuu kan kale ka hormaro balse lama sinna oo nimbaa lambar kow ah, midbaa ceyrsanaya ninna xisaabtaba kuma jiro.
Waxaan rabaa in aan kula wadaago sirta dalal badan ay uga hormareen dalal badan oo keenu kow ka yahay; ma ogtahay in qofka u dhashay Mareykanka iyo kan Soomaaliga ahi kala aqoon sareeyaan?
Dabcan ujeedkeygu waa in lagu kala tagay aqoonta oo dal walbaahi dadkiisa aqoontooda lagu hormariyo.
3-dan maado waa kuwa ay suuragal tahay inaan kula tartami karno ama ka gaari karno dunida inteeda kale waana fursado hada ka abuurmaya dalka gudihiisa.
Maadada 1aadi waa Computer Science. Culuumta Kombiyuterku waa farabadantahay oo lama soo koobi karo; hadii aad barato Computer science waxaad fursad u heleysaa inaad ku shaqeyso shaqooyin badan sida IT, softweero inaad sameyso, ama aad robotyaba sameyso waa marka aad qeybta Artificial Intelligence gooni u sii gashee. Ogow EVC-ga shirkadda Hormuud iyo Facebookba waxaa sameeyay dad bartay culuumta Computer Science.
Maadada 2aadi waa General Engineering oo micneheedu yahay injineeriyada si guud inaad u barato kadibna aad gooni ugu taqasusto Civil Engineering, Network Engineering amaba Mechanical Engineering. Waxaa suuragal ah inaad shaqo ka hesho shirkadaha Buruuj, Hormuud, Favori iwm.
Maadada 3aadi waa Law ama culuumta sharciga. Qoftbaa dhul dhacay, dalkalaa nagu soo xadgudbay ama ina adeerkaa ayaa qalad lagu dilay, intaas oo dhan waxaan uga waaban kartaa inaad barato culuumta sharciga.
Ogow sharigu kaliya loogama shaqeeyo maxkamadaha gudahooda ee meel walba oo wax la isku dhaafsado adaa lagaaga baahanyahay.
Ganaciyada, qof dhibana ah iyo qarankaba waad ka heli kartaa shaqooyin. Abuukaate ama looyar, Garsoore, kaaliye maxkamadeed, ama Nootaayo ayaad furan kartaa oo dadka magaalada ugu lacagta badan Nootaayo leyda ayaa ka mid ah.
Ogow 3-dexdan maado mid walba caqabadeheeda ayay wadataa oo ma baran karo qof aan go’aan adkeyn ama hami badan maadada uga jirin. Balse qofka raba inuu sumcad iyo lacagba kasbado waa uu ka guulkeeni karaa haduu waqti ku filan galiyo walow lacagtu ay ku xirantahay meesha aad dunida ka joogto iyo sida laguugu baahdo.
Muqdisho hadii aad joogto, Mushaarka meel dhexaadka ahi waa ilaa $300 balse waan hubaa inaad ku shaqo bilaabi akrto ugu yaraan $500 hadii aad tahay qof yaqaana waxa uu ku shaqeynayo waqtina galiya.
Marwalba waa oo ay xirfadaadu sareyso waxaad awoodeysaa in lacag mushaar fiican aad ku shaqeyso.
Fadlan Commentiga hoose noogu reeb, Maadada aad baran lahayd iyo sabata?