Sidee caan lagu noqdaa?

 


Caanimadu waa wax inteena badan aan jecelnahay walow lagu kala duwanyahay waxa caanka lagu noqonayo iyo sida loo noqonayo.


Hadii aad fiirido dadka caanka ah waa fanaaniinta,maalqabeenada, dhiigyacabka, siyaasiga, iwm. Qof walba oo kuwaas ka mid ah qaab gooni ah ayuu caan ku noqday.



Ka soo qaad marka aad rabto inaad fanaan caan ah noqoto waa inaad waqti geliso fanka, isku dayo badan sameyso, bahda fanka iyo sirtooda wax ka qaadato. 



Tusaale; Sharma Boy oo inteena badan aan wada naqaan waxa uu ku soo baxay heesa u gaar ah oo ka duwan kuwii lawada yaqaanay isagoo waliba qaaday heeso fanaaniinta kale intooda badani ka xishoodaan ama ka cararaan halka Sharma Boy uu fahamay waxa ay dhalintu xiiseyso oo ah arimaha la xiriira kaftanka iyo baashaalka oo wuu ka guuray heesihii calaacalka iyo jacaylka ee dadku ka wada dhargay.



Sidaa daraadeed waxaa uu magac ka sameeyay heesahaas oo dhalin badan soo jiitay kamana xishoon heesaha qaar oo dadku ay ku sheegeen anshax xumo balse waa ay dhageystaan iyagoo hadana eedeynaya.

 


Mida kale ee aad caanka ku noqon karto waa si kadis ah; waxaa suuragal ah in muuqaal aad si aan ku talagal ahayn u duubtay sida adigoo kaftamaya uu dadka soo jiito sidaasna magacaagu ku baxo ama inaad wax soo saarto oo sida dhalinyarada qaar ayay diyaarado, baabuur ama wax la mid ah u sameeyaan oo kale inaad adna mid la timaado waqtina galiso.

Xaqiiqadu waxa ay tahay caannimadu ma sahlana sida lagu helo, hadii la helana ma sahlana sida lagu sii ahaado caan oo dad badan oo waqti kooban caan ahaa ayaa suuqa ka baxay.  

Waxaa ka loo jirta marka qofku caan noqdo waxa uu yeelanayaa cadow badan oo xaasida noloshiisa iyo heerka uu gaaray waana halis jirta oo sida dadka caadiga ah meelaha shaax kuma cabi kartid, eedo oo xaafad heblaayo daganna ma booqan kartid, sidoo kale qofka mar haduu caan noqdo oo uu lumiyo fursadiisa waxa ay u badantahay inuu niyad jab weyn soo gaaro oo uu nolosha ka dhaco.



Caanimadi waxa ay leedahay faa'iidooyin badan waa hadii aad caana ku tahay wax aan dadka kugu direyn sida inaad wax xado ama dhacdo. Waxyaabaha laga helo caanimada waxaa ka mid ah maamuus iyo qiimo inaad yeelayo, in lacag iyo aduun ay isugu kaa toosan iyo in aad awoodo meelo badan oo qofka caadiga ah aan u sahlaneyn inaad fursad u yeelato sida inaad madaxweyne la kulanto, Viso wadan hesho ama aad ganacsiba abuurato si fudud.



Hadii aad caan noqoneyso fadlan noqo mid aan dadka iyo dalka waxba u dhibin ee noqo mid wax lagu faa'ido  


Admin

Previous Post Next Post