Waxaa sanadihii dambe aad ugu soo batay wadooyinka Muqdisho mooto bajaajta oo qaab taksi oo kala ah uga shaqeysa xaafadaha Muqdisho.
Muqdisho oo aan marka horaba lahayn wadooyin waaweyn iyo nidaamka hagida wadooyinka ayaa waxaa maalin walba ka dhaca isgoosyada waaweyn - sida Bakaaraha, Dabka, Tarabuunka, Seybiano - jaam farabadan oo u badan xiliyada dadku soo shaqa tagaan iyo xiliyada hoyaadka.
Moota Bajaajtu waxa ay leedahay dhibaatooyin ay ka midyihiin; iney sababan jaamka wadooyinka maadaama aysan jirin nidaamka wadooyinka ee samaanfaraha oo loo isticmaali lahaa isgoysyada iyo meelaha dadku ku badanyihiin ee saxmada keeni kara.
Dhanka kale waxaa jira in mootooyinku intooda badan ay wadaan dhalin yaro aan heysan fursado kale oo ay ku shaqeystaan iyagoo doorbiday bajaajta oo ay u arkaan shaqo abuur cusub. Dhalintaas iyo wadayaal kale oo ku cusub wadida gaadiidka ayaa sababa shilal laga fursan karay oo ay keeneyso khibrad yarida iyo wadida bajajta oo u muuqata iney sahlantaha.
Waxaa jira dad badan oo lagu dhacay mooto bajaaj iyagoo u kireystay taksi ah ama kuwa iyagoo xaafadahooda jooga ay tuugo mooto bajaaj wataahi dhacaan. Waxaa la arkay mooto bajaaj laga soo buuxshay walxaha qarxa oo ciidamada amaanku ku qabteen meel u daw maqaayada Fatxi isgosyska Taleex.
Bajaajtu waxa ay dhanka kale quudisaa kumanaan Soomaali ah oo caasimada iyo gobalada dalkoo dhan ku nool. Waxa ay dhalin badan u noqotay shaqo abuur, dad badana waxa ay u tahay fursad ay goobta shaqada ama isbitaalka si fudud ugu tagi karaan.
Si loo yareeyo jaamka, dhaca iyo qaraxyada ka yimaada mooto bajaajta waa in laamaha amaanka, Taraafikada iyo shacabku wada shaqeeyaan. Waa in la helo qaab ugu yaraan isgoosyada lagu nidaamiyo, mootooyinkana la xadido, kormeer iyo hubin joogta ahna la mariyo mootooyinka iyo gaadiidka kale ee caasimada ka shaqeeya si looga badbaado qatar dhan walba ah.