Hadii aad dhalatay 30 kii sano ee u dambeeyay ma aadan arag Soomaaliya oo leh dowlad, qurux ito horumar lagu faani karo intaba. Waxaad ku soo aaday xili dalku ku jirayo qax iyo dagaal sokeeye.
Waxaa adkaadey heerka nolosha, dadkana qaar ayaa dibadaha u qaxay halka qaarna ay gudaha dalka marba meeshii ay isleeyihiin waa yara roontahay u qaxayeen.
Waxaa xusid mudan in Soomaaliya aysan waligeed saan ahaan jirin. Waxaan soo marnay xili aan heysanay amni, cunto, waxbarasho iyo magac aan ku faano. Waxaan xili ahayn libaaxyadii Afrika oo waxaa dalkeena u soo dalxiisi jiray dad caalamka ka kala yimid oo quruxda iyo horumarka dalkeena u soo daawasha tagi jiray.
Mudo ka dib waan wada aragnay meesha aan joogno; dagaal sokeeyaan galnay, waan iska burburinay intii yareyd, dadkii mar na amaani jiray waa na caayaan, kuwii kaa baqi jirayna waa ku maadeystaan oo marba waa kuwa dhulkaaga dhinac ka taliya.
Su'aashu waxa ay tahay dalkeena dib ma u hagaajin karnaa? Ma ka dhigi karnaa mid heerka caalamku marayo la jaanqaada? Inteyse qaadan kartaa hadaan maanta bilowno?
Waxaa xusid mudan in dalalka caalamku intooda badi soo mareen marxaladeena oo kale iyo waliba mid ka daran. Waa la is dagaalaa, waa isxasuuqaa, hadana waa laga towbad keenaa oo qaladkaas dib baa loi saxaa. Dalalka caalamka sida Mareykanka, Ingiriiska, Jarmalka iyo kuwa la midka ah waxa ay ka soo dhacay gabood falo, qabiilo isdila, dad diin isku laaya, qaraxyo, dil wadareed, adoonsi ey iyagu is adoonsadeen, kufsi iyo dhac intaba.
Waxaa marxalad la wada maro. Dalkeenu waa dal mudo yar jira. Dalalka aan la yaabahay horumarkooda waxa ay jiraa 300 oo sano iyo ka badan. Dhamaantood mid walba hadaad taariikhdiisa dib u raacdo waxaad arkeysaa wasaq iyo calool xumo teena ka daran oo ay soo mareen balse waa ay ka gudbeen oo ma aysan u xayirmin. Hadaan tusaale kugu filan ku siiyo, Tareenka dhulka hoostiisa mara ee maagalada London (England-UK) ayaa waxa la sameeyay 1863-kii waxa uu shaqeynayaa 160 sano.
Waxaa nahayd caruur 11 jiro guri kuwada nool oo kale oo caqli kala celiya uusan jirin. Dadkeenu wixii 1960-kii ka horeeyay hore uma soo arkin dowldo castri ah oo waa lakala waban jira dadku iskuma muuqan hadii dagaal dhacana laba reer ayuu ku koobnaa.
Waxaan isleeyahay casharo badan waan soo baranay; qabiil waan isu dilnay, diin waan isku dilnay, shisheeye waan isku adeegsanay. Markaan waxaa noo haray waa inaan wax wada qabsano oo caqliyeysano kuna toosno wadada horumarka iyo dib u dhibska dalkeena iyo ummaddeena.
Somalia 2060-ka waxaan ka dhigi karnaa meel horumar leh, dhul iyo bulsho dhisan. Wadan wax soo saar leh oo ku tartami kara Tiknoolojiyada caalamku wato xiligaas. Waxbarasho iyo caafimaad bilaash ah, wax la qabsiga dunida kale sida wadamada dariska ah iyo kuwa aan danaheena ka aragno.
Halkan ka daawo MW Xassan Sheikh Maxamuud oo ka hadlaya Qorshaha 2060-ka ee ay ku fikirayaan in Soomaaliya loo diyaariyo. Ogow qorshahan uma xirna Madaxweyne gaar ah ama dowlad ee waa mid ay wada isticmaali doonaan dowladaha imaan doona mustqbalka midan ayaana looga fadhiyaa dajinta qorshaha: