d ka badan 20 Million oo ruux mudo la joogo ku dhawaad 80 sano ka hor. waxaaba suuragal ah in awoowgaa ama ayeydaa oo xiligaas nooleyd ay weli nooshahay hada.
Ninkaas dilaaga ahaa magiciisa oo buuxa waa Adolf Hitler waxa uu ku dhashay dalka Austria 20, April 1889-kii. Waxa uu ahaa nin xag jir ah oo ay ku dheertahay wadaniyada dalkiisa Jarmalka iyo dadkiisa oo uu u arkay in ay yihiin dadka dunida ugu sareeya Jinsiyad ahaan inta kalee ka soo hartana ay yihiin dad aan qiimo lahayn oo u nool kaliya sida ay adoomo ugu ahaan lahaayeen Jarmalka.
Hitler waxaa uu ka tirsanaa xisbigii Naasiyiinta (Nazi Party) oo hadafkiisu ahaa in ay dalka Jarmalka oo xiligaas awood ciidan iyo mid dhaqalaaba lahaa ay ku qabsadaan dhamaan dalalka Yurub sida Faransiiska iyo Ingiriiska oo xiligaas uu u arkay inay yihiid cadawgiisa koobaad ee ka hortaan inuu qabsado qaarada Yurub, Jarmalkana hooskeeno.
Hitler markii uu awooda la wareegay waxa uu bilaabay dagaalo uu ku qaaday wadamada dariska la ahaa oo intoodii yaryareyd iyo dalka Faransiisku ayuu gacanta ku dhigay.
Waxa uu laayahay dadkii Yuhuuda ahaa ee ku nolaa Jarmalka iyadoo la sheego inuu dilay ku dhawaad 6 Million oo Yuhuud ah qaar adoonsaday qaarna xabsiyo ku guray.
Dunida xiligaas awoodaha jiray ayaa laba dhinac u kala saftay oo waxaa isku dhinac noqday dalalka Jarmalka, Ruushka, Japan iyo Talyaaniga walow Talyaaniga iyo Ruushku markii dambe ka soo horjeesteen Jarmalka. Dhanka kale waxaa isku xulafo ahaa dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Ruushka oo gadaal uga biiray.
Hitler oo laayay dad badan oo isugu jira Yuhuud, Ruush, Faransiis iyo Ingiriis, qabsadayna dalal badan oo qaaradiisii Yurub ka mid ah ayaa waxaa ku yimid culeys kadib markii dowlada Mareykanka oo xiligaas ahayd awood ku cusub caalamka ay ku soo biirtay dagaalkii oo garab siiday reer Yurubta la dagaalayay Jarmalka iyo Hitler.
Ugu dambeyn Jarmalka iyo Hitler waxa ay wayeen dalalkii garab siin jiray sida Ruushka, Talyaaniga iyo Japan oo waxaa dhacday in qaarna isaga is khilaafeen sida Ruush, Japan-na uu Mareykanka dhankiisa dagaal ugula jiray.
Ciidamadii xulafada ee Mareykanka, Ingiriiska iyo Ruushka ayaa qabsaday dalkii xooga ku heystay qaarada Yurub iyagoo laba u kala jaray Jarmalka; qeybta Jarmalka-Bari waxaa la siiyay Ruushka halka qeybta Jarmalka-Galbeedna ay qaatay Mareykanka iyo Ingiriiska halkaasna waxaa madax banaani ka helay dalal badan oo uu Jarmalku qabsaday oo Faransiisku ugu horeeyay sidoo kale waxaa soo idlaaday noloshii iyo kiborkii Adolf Hitler oo la sheegay inuu isdilay walow aan weli lahelin meydkiisii.
Ilaa xiligan reer Yurub iyo Mareykanku waxa ay si dhaw ula socdaan dhaqdhaqaaqyada ka socda Jarmalka iyagoo ku leh saldhigyo ciidan maadaama ay suuragal tahay in ay soo baxaan dad fikirkii Hitler aaminsan oo mar kale Yurub dagaal ka dhalin kara. Jarmalkuna ma awoodo inuu sameysto hubka wax gumaada ee Nuclear-ka. Waxaa kaliya loo ogolyahay in ay ka qeybqaataan humbka Nuclear-ka ee ay leeyihiin NATO iyo Mareykanka.