Muxuu yahay Hubka Nukliyerka?
Nukliyerka si fudud waa hub ka duwan hubka caadiga ah ee aan naqaano. Waxaa la sameeyay maadooyin leh awood ay ku sameeyaan qaraxyo waaweyn oo aanan hada qiyaasi karin weliba iyagoo xajmigooda la egyahay bambooyinka aan hada aragno kale. Waxa ay awood u keeyihiin iney gabi ahaanba dhulka ku masaxaan dalal dhan ama dilaan ilaa 300 milyan oo ruux, waa qiyaastii dadka ku nool dalka Mareykanka oo dhan il biriqsiyo gudahood.
Goormaa la sameeyay? Yaa sameeyay ugu horeyn?
Hubkan Nukliyeerka waxaa la sameeyay bartamihii dagaalkii 2aad ee aduunka, waxaana sameeyay dalka Mareykanka oo kaashanayay UK iyo Canada gaar ahaan mashruucii la dhihi jiray Manhattan project oo ahaa mid lagu sameynayay hubka Nukliyeerka si loogu isticmaalo dagaalka ay kula jireen dalalka Jarmalka iyo Japan.
Qasaarihii ugu badnaa?
Hubkan Nukliyerka oo ah manaxe aan dhaafin dhamaan noolaha iyo dhirta, waxaa binu aadam loo adeegsaday taariikhda laba jeer oo labadaba waxaa lagu duqeeyay dalka Japan oo xiligaas dagaal kula jiray Mareykanka iyo xulafadiisa.
Laba diyaaradood oo ay leeyihiin ciidanka cirka ee Mareykanka ayaa magaalooyinka Hiroshima iyo Nagazaki ku dhuftay laba Nukliyer. Waxaana ka dhashay qasaaro aad u fara badan oo qiyaastii waa ku dhimatay 240,000 oo ruux oo daganaa magaalooyinkaas iyo hareerahooda.
Halkaas waxaa isku dhiibay dowladii Japan oo ka cabsatay in qasaaruhu halkaas ka sii bato.
Wadamada heysta hubka ugu badan?
Hubkaan waxaa heysta dalal badan oo ay ka midyihiin; Mareykanka, Ruushka, UK, Faransiiska, Shiinaha, Hindiya, Pakistan iyo woqooyiga Kuuriya.
Mustaqbalka Hubka Nukliyeerka?
Mustaqbal ahaan hubkan wax gumaada waxaa la saadaaliyaa in uu noqon doono midka binu aadamka dunida ka masaxa ama burburiya tiknoolojiyada iyo ilbaxnimada caalamka dibna u celiya hormarada aadanuhu ku talaabsaday kumanaankii sano ee la soo dhaafay.
Aqristow, adugu bal qiyaas; hadii laba dal ama ka badan ay ku dagaalamaan hubkaan, waxaa le'an doono in ka badan 80% dadka caalamka ku nool halka inta soo hartana ay intooda badani u baaba'ayaan cunto la'aan, biyo sumeysan, hawo sumeysan, duufaano iyo kuleyl joogta ah madaama hubkan uu wax yeelayo cimilada dhulka.
Waxaa jirta dadaalo ay wadaan dalal badan oo hubkan heysta iyo kuwa kale oo lagu doonayo in lagu hakiyo qatarta ka dhalan karta dagaal la isku adeegsado hubkan balse lama oga ilaa inta ay sii shaqeyn karaan.
Aragtidaadaka dhiibo, hubkan ma noqon karaa kii dunida lagu hali lahaa? Soomaaliyase goorma ayay sameysan kartaa hubka culus?